Maqaal BOI: Padmaavat waa Blockbuster-ka 3-aad ee ugu weyn bisha Janaayo la daawado

Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa soo daabacday maqaal ay ku xaqiijisay in Padmaavat uu yahay Blockbuster-ka ee ugu weyn la daawado bisha Janaayo madaama filimkaan uu ganacsi ahaan keenay 284 Crore (Trade Figure).

Laga soo bilaabo 1994 ilaa hadda labada Blockbuster ee Padmaavat ka weyn waa Kaho Naa… Pyaar Hai iyo Karan Arjun, xitaa haddii 1984 ilaa maantadan la eego aflaanta Janaayo la daawaday ma jirto sedex Blockbuster ka weyn ee la daawaday filimada sare.

Kaho Naa… Pyaar oo sanadii 2000 la daawaday lacagtiisii 44.27 Crore uu keenay 18-sano ka hor maanta waxay u dhigmataa 300 Crore waa haddii sicirka 2018 lagu jaan gooyo.

Sidoo kalena Karan Arjun isagana 300 Crore ayuu ku dhawaanayaa lacagtiisii 1995 oo ahayd 25.28 Crore haddii lagu jaan gooyo sicirka maanta ee 2018.

Jai Ho oo Salman sameeyay sanadii 2014 la daawaday lacagtiisa maanta waxay u dhigmataa 138 Crore halka Raees oo SRK sameeyay sanadkii hore 2017 lacagtiisa sicirka maanta ay tahay 133 Crore balse labadaan filim Hit dhameestiran ma aysan noqonin.

Fadlan hoos kaga bogo aflaanta Hits-ka ugu weyn noqdeen ee bisha Janaayo la daawaday laga soo bilaabo 1994 ilaa 2018 iyo filim walbo lacagtiisa sicirka maanta 2018 lagu jaan gooyay:

All Time Blockbuster

Blockbuster

1. Kaho Naa Pyar Hai (2000) – 300 crore

2. Karan Arjun (1995) – 293 crore

3. Padmaavat (2018) – 284 crore

Super Hit

4. Agneepath (2012) – 165 crore

5. Raja Babu (1994) – 154 crore

6. Bandit Queen (1996) – 131 crore

7. Hum Aapke Dil Mein Rehte Hain (1999) – 132 crore

8. Airlift (2016) – 125 crore

Hit

9. Rang De Basanti (2006) – 127 crore

10. Guru (2007) – 105 crore

F.G: Filim Walbo Lacagta Ku Hor Qoran Waa Midda Sicirka Maanta 2018 Lagu Jaan Gooyay Waxaa Loo Yaqaan (Adjusted Net Gross).