Haatan Bollywood-ka waxay ku jiraan waqti adag sababtoo ah wixii ka dambeeyay todobaadka labaad bishii Maarso ilaa iminka tiyaatarada Hindiya waxay xiran yihiin sidoo kalena lama yaqaan waqtiga xaalada caadi kusoo laaban doonto madaama Coronavirus dhibaato weyn Hindiya iyo daafaha caalamka ku haayo.

Haddaba shabakada Boxoffice India (BOI) waxay soo daabacday maqaal ayay kaga hadleyso in horey taariikh ahaan afar jeer oo kala duwan tiyaatarada Hindiya la xiray balse waa markii ugu horeesay arin caafimaadka bini aadanka la xariirto masraxyada loo xiro waayo waagii hore tiyaatarada arimo dhaqaale iyo xaalad amni ama siyaasad ayaa albaabada shineemooyinka la isugu dhufan jiray:

Maarso 1968 markii kowaad ayaa tiyaatarada Hindiya la xiray sidoo kalena dhamaan duubista filimadii socdeen waa la hakiyay waxaana ugu wacnaa qiimaha kirada oo lagu qaaliyeeyay dadka tiyaatarada iska leh gaar ahaan gobolada Delhi, CP, CI iyo Rajasthan waxayna masraxyada xirnaayeen mudo 19-maalmood. Kaliya dhib waxay soo gaartay filimkii weynaa ee Blockbuster-ka weyn noqday Ram Aur Shyam ee Dilip Kumar hogaamiye ka ahaa balse filimkan isagana markaas masraxa ayuu isaga dagi rabay dhibaato badan masoo gaarin, kadib markii tiyaatarada dib loo furay filimadii masraxa la saaray guulo waa weyn ayay gaareen.

October 1986 waa marki labaad tiyaatarada Hindiya la xiray madaama gobolka Maharashtra canshuurta aflaanta laga qaado gaarsiiyeen 170% ee Mumbai xarun u tahay sidaa darteed waxayna xaaladan soo idlaatay mudo 31-maalmood kadib. Waxaa jireen filimo xiligaas gobolada kale Hindiya ka gadmeen waxaana ka mid ahaayeen Dosti Dushmani oo hogaamiyaal ahaayeen Jeetendra, Rajinikanth iyo Rishi Kapoor HIT ayuu noqday iyo filimkii kale Insaaf Ki Awaaz oo ay wada jileen Anil Kapoor, Raj Babbar iyo Rekha oo HIT noqday. Sidoo kalena filimkii Nagina ee Sridevi iyo Rishi Kapoor hogaamiyaal ka ahaayeen markii tiyaatarada la furay hal todobaad kadib ayaa masraxa la saaray isagana Blockbuster ayuu noqday.

Janaayo 1997 waa markii sedexaad tiyaatarada Hindiya la xiray waa dhibaato kale oo la xariirtay in maamulka Maharashtra canshuurta 100% filimada laga qaado ka dhigeen waxaana ka dhacday mudo bil ah in tiyaatarada xirnaadaan. Dhibka ugu weyn filimkii Ajay ee Sunny Deol iyo Karisma Kapoor wada jileen ayuu ka dhacay waayo asigoo hal todobaad saaran ayaa tiyaatarada albaabada la isugu dhuftay wuxuuna filimkan noqday Average hubanti ahaan HIT weyn ayuu noqon lahaa haddii dhibaatadaas aysan qabsan laheyn. Markii masraxa dib loo furay Febraayo 1997 filimadii soo baxeen Judwaa, Hero No.1, judaai, Ziddi iyo Koyla guulo waa weyn ayay gaareen iyo bilaabasho adag oo ay la imaadeen.

Sanadii 2009 markii afaraad ayaa tiyaatarada la xiray weliba markaan 3-bilood ayay tiyaatarada xirnaayeen waa waqtigii ugu dheeraa waxaana markaas qabsadeen qolyaha tiyaatarada casriga ah Multiplex iska leh, kuwa cajaladaha qeybiyaan iyo filim soo saarayaasha 90-cisho filim weyn masoo bixin waxaana dhacay qasaare xoogan horaantii 2009 balse kadib heshiis ayaa la wada gaaray kadibna jawiga caadi ayuu kusoo laabtay.

Gunaanad shabakada BOI waxay sadaalineysaa haddii xaalka caadi kusoo laabto in ganacsiga aflaanta sare u kici doono madaama filimo waa weyn diyaarsan yihiin oo lixda bilood dambe sanadkan la daawan karo ganacsi balaarana sameyn karaan waa haddii xaalka caadi kusoo laabto oo laga guuleesto caabuqa halista badan Coronavirus oo dunida dhibaato xoogan ku haayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here