Waxaa jiraan afar ilaa shan filim oo afartii ilaa shantii bilood ugu dambeesay Bollywood-ka soo saareen tiyaatarada kala duwan kuwaas oo isku fariin ah ama dhinacyo kala duwan iska leh waxayna shabakada Boxoffice India (BOI) u bixisay filimo isku qoys ah oo ganacsi ahaan isla guul dareesteen sidoo kalena daawadayaasha iska diideen fariintooda.

Aflaanta soo baxeen bilooyinkii ugu dambeeyay waxay ka sinaayeen dhinacyo badan marka kowaad waxay ahaayeen filimo atirishooyin hogaamiyaal ka yihiin, goos gooskiisa fagta kowaad laga helin, fariin bulsho lagu wacyi galinaayo xambaarsanaayeen, laakiin dhibka jiro wuxuu ahaa filimadaas in fariintooda hab mada daalo loo dhigin in dad badan u daawadaan.

Haddana waxaa la yaab ah aflaantaas afar ilaa shan bilood isku xigto ayay soo baxeen oo waqti kala duwan uma dhaxeynin ayagoo dhan walbo iska leh weyna wada guul dareesteen!

Tani Kama Dhigno Bollywood-ka Inaysan Sameyn Karin Aflaan Atirishooyin Udub Dhexaad U Ah:

Taariikhda fanka Hindiya daawadayaasha filimada kuma xukmiyaan atirisho ama atoore ayaa hogaamiye ka ah ee waxay ku xukmiyaan fariinta filimka ma wanaagsan tahay, sidaa darteed taariikh ahaan waxaa jiraan aflaan All Time Blockbuster noqdeen ama darajada ugu sareesay gaareen kuwaas oo atirishooyin udub dhexaad u ahaayeen waxaana ka mid ah Mother India (1957) iyo Hum Aapke Hain Kaun (1994). Sidoo kale waxaa jiraan filimo atoorayaal udub dhexaad u ahaayeen guulaha taariikhiga ah ay gaareen sida Sholay (1974) iyo Gadar Ek Prem Katha (2001) waxay noqdeen All Time Blockbuster balse aflaantan waxay ka siman yihiin inay fariin ahaan wanaagsan yihiin mada daalo dhameestirana leeyihiin hab qof walbo daawan karana loo dhigay.

Xiligan casriga ah ama dhawaanahan marka aan eegno waxaan tusaale usoo qaadan karnaa filimo atirishooyin hogaamiyaal ka yihiin oo guulo lixaad leh gaareen The Dirty Picture (2011) oo Super Hit ah iyo Tanu Weds Manu Returns (2015) oo Blockbuster ah xitaa labadan filim dhanka TV-yada Blockbuster ayay ka noqdeen daawadayaashana kama xiiso dhagaan ayagoo ah aflaan atirishooyin hogaamiyaal ka yihiin sababtana waxay tahay fariintooda hab ganacsig oo mada daalo leh ayaa loo dhigay.

Tusaale kale oo xiiso badan ayaan soo qaadan karnaa waana filimka Mardaani 2 oo dhamaadkii sanadka hore soo baxay wuxuu noqday filim guuleestay oo Sem Hit ah weliba HIT ayuu noqon lahaa haddii Dabangg 3 masraxa ku qabsan laheyn waxaana xusid mudan in Mardaani 2 atirisho hogaamiye ka ahayd haddana sababta uu u gadmay ama daawadayaasha kaga heleen waxay tahay waxaa loo dhigay fariintiisa hab soo jiidasho leh oo ah hogaamiye awood leh iyo laadar awood leh in la iska hor keenay sida caadiga ahna filimada laadarka iyo hogaamiyaha filimka ku xifaaltamaan daawadayaasha wey soo dhaweeyaan.

Ugu Dambeyntii Nala Ogaada Aflaanta Isku Qoyska Ah Ee Isla Guul Dareesteen Soona Baxeen 4 Ilaa 5-Bilood Ugu Dambeesay Ganacsiga Ay Sameeyeen Dibad & Dal:

Saand Ki Aankh (2019): Taapsee Pannu & Bhumi Pednaker ayaa hogaamiyaal ka ahaayeen

Gudaha Hindiya – 23.36 Crore

Suuqyada caalamka – $400,000

Wadarta Dibad & Dal – 30.59 Crore

Chhapaak (2020): Deepika Padukone ayaa hogaamiye ka ahayd

Gudaha Hindiya – 32.54 Crore

Suuqyada caalamka – $1.65m

Wadarta Dibad & Dal – 49.78 Crore

Panga (2020): Kangana Ranaut ayaa hogaamiye ka ahayd.

Gudaha Hindiya – 22.46 Crore

Suuqyada caalamka – $1.11m

Wadarta Dibad & Dal – 34.30 Crore

Thappad 

Gudaha Hindiya – 29.70 Crore

Suuqyada caalamka – $1.18m

Wadarta Dibad & Dal – 43.78m

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here