Superstar Akshay Kumar wacdaraha uu dhigay 2019 ma ahan mid hadal heyntiisa si dhaqsi ah ku dhamaan doonto sidaa darteed shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa maqaal xiiso badan ka qortay Akshay iyo sida uu sanadkii hore Bollywood-ka u qabsaday iskoorada uu soo kordhiyay, dhaxalka uu reebay iyo waxa uu dheer yahay atoorayaasha xiligan Bollywood-ka awooda ku leh.

Maqaalka BOI soo daabacday waxaa Af Soomaali idin kaga dhigtay shabakada Filimside wuxuuna taabanaa dhinaco kala duwan fadlan hoos kaga bogo kadibna fikirkaaga ka dhiibo:

Akshay Kumar 2019 waa sanad u taariikhi ah wuxuuna noqday xidiga Bollywood-ka ka dhex muuqdo lana gaari karin madaama afarta filim uu la imaaday 2019 ganacsigooda wadarta guud soo xareeyeen 750 Crore lacagaha nadiifka ah canshurta kadib. Sidoo kalena markii ugu horeesay ayuu Akki sameeyay in 1000 Crore atoore Hindi ah aflaantiisa ganacsi dibad iyo dal la isku daro hal sano gudaheeda soo xareeyaan.

Halkaas kuma eko wacdaraha iyo iskoorada uu Kumar dhigay 2019 madaama aflaantiisa Housefull 4, 2.0 (Hindi) iyo Kesari dhamaantooda wacdaro ka dhigeen TV-yada oo ay bilaabasho adag la imaadeen Big Hits ka noqdeen Satellite-ka waxayna ka mid noqdeen 10-ka filim ee dhanka TV-yada ugu bilaabashada wanaagsan ebid, weliba si gaar ah Housefull 4 wuxuu gaaray darajada naadirka ah in fagta kowaad 20-milyan oo qofood TV-yada ka daawadeen!

Dhinaca kale marar badan ayay dhacday in atoore sedex filim HIT dhameestiran noqdeen hal sano gudaheeda la imaado laakiin marka ay noqoto in atoore hal sano gudaheeda 4-filim HIT ah la imaado waa arin naadir ah liiskaana atoore kasto ma iska soo gali karo balse Akshay Kumar ayaa darajadaas gaaray 2019.

Xiligan casriga ah atoorayaasha waxaaba ku adag sanadkii afar filim inay sameeyaan iskaba dhaaf hal sano afar filim HIT ah inay la imaadaan waana meesha ugu badan atoorayaasha ku dhiiqdeen inaysan sida Akshay oo kale u shaqeyn karin. Waa macquul aflaanta waa weyn sida Mughal E Azam Sholay ama Babubali in waqti 200 ilaa 300 maalmood la galiyo laakiin waxaan la fahmi karin atoore sameenayo aflaan waqti badan aan u baahneyn haddana sanadkii hal ama labo filim la imaanayo waa ciladda heesato atoorayaasha badankooda. Dhab ahaantii maanta aflaanta Hindiya sameeyaan ma ahan kuwo tayo dhameestiran leh waxay u baahan yihiin kaliya 50 ilaa 60-maalmood in lagu duubo waxaana xusid mudan in sanadkii 365 maalmood ku jiraan marka atoorayaasha badankooda waqti meel cidlo ah ayay isaga qasaariyaan.

Akshay Kumar waxa uu jiilkiisa iyo kuwa hadda Bollywood-a soo hana qaadeenba ku dhaafay waa in jadwalkiisa u saxan yahay sidoo kalena uu awoodo afar filim sanad walbo inuu sameeyo. Atoorayaasha kale shaqadooda oo yar awgeed waxay sababtay cadaadis badan inuu soo wajaho waayo atoorihii halkii sanado ama labadii sano hal filim la imaanayo waxaa koraayo cadaadis ah in filimkiisa 200 Crore ilaa 300 Crore keeno waxaana wada ognahay fariimaha Bollywood-ka sameeyaan inaysan tayo wanaagsan laheyn arinkaas awgeed atoorihii hal sano hal filim la imaado kadibna mashruuciisa fashilmo waa dhibaato hor leh. Laakiin Akshay culeeskaas ma saarno isaga xitaa haddii filimkiisa 100 Crore keeno waa ku filan tahay madaama sanadkii afar film uu sameenayo culees badan ma saarno haatana wuxuuba bilaabay in 200 Crore wax sahlan u noqoto madaama afarta filim 2019 sameeyay sedex filim ka mid ah ganacsigooda 200 Crore gaareen ama ku dhawaadeen.

Ma jiro atoore la tartami karo Akshay Kumar 2019 ama lala bar bar dhigi karo kaliya waxaa laga hadli karaa yaa kusoo xigay 2019 wacdaraha Boxoffice-ka laga dhigay waxaana kusoo xigay Superstar Hrithik Roshan laakiin isagana filimkiisii War ee Blockbuster-ka weyn noqday waxaa libinta la qeebsaday Tiger Shroff balse Hrithik waxaa usii dheer in Super 30 HIT u noqday waana sababta uu u noqonaayo atooraha labaad ee awood ahaan 2019 Akshay kusoo xigay, halka kaalinta sedexaad uu soo galaayo Ayushmann Khurana oo labo filim uu kaligiis hogaamiye ka yahay Super Hit noqdeen kuwaas oo kala ahaa Dream Girl iyo Bala halka Article 15 isagana HIT noqday. Laakiin waxaa la dhihi karaa Hrithik iyo Ayushman waxay isku heestaan kaalinta 11-aad madaama Akshay kaligiis awooda uu 2019 ku qabsaday Bollywood-ka ka dhigan tahay 1 ilaa 10 inuu isaga xirtay micnaha muga ama baaxada guushiisa 2019 leedahay ayaa ka dhigan in Hrithik iyo Ayushmann xitaa toban laab uu awood ahaan ka sareeyo!

Aqristayaasha qiimaha badan markaana hoos kaga bogo 4-iskoor uu Akshay Kumar soo kordhiyay 2019 soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Aflaanta Lacagaha Ugu Badan Gudaha Hindiya Kasoo Xareeyeen 2019 Lacagta Nadiifka Ah:

Kesari – 151.87 crore

Mission Mangal – 192.67  crore

Housefull 4 – 205.60 crore

Good Newwz – 200 crore (inuu ku istaago ayaa la rajeynaa)

Wadarta Guud – 750.14 crore (Iskoorkan wuxuu kala wareegay Salman Kha oo 2015 labadiisa filim soo xareeyeen 510 crore)

Aflaanta Lacagaha Ugu Badan Soo Xareeyeen Ganacsiga Dibad & Dal (Worldwide Gross):

Keasri – 203 crore

Mission Mangal – 277 crore

Housefull 4 – 293 crore

Good Newwz – 305 crore (inuu ku istaago ayaa la rajeynaa)

Wadarta Guud – 1078 crore (Waa markii ugu horeesay atoore aflaantiisa 100 crore soo xareeyaan ganacsiga dibad & dal la isku daray wuxuuna iskoorkan kala wareegay Salman Khan oo aflaantiisii 2015 soo xareeyeen 968 Crore).

Atoorayaasha 1-sano Gudaheeda 4-Filim HIT Dhameestiran & Ka Badan Sameeyeen:

Rajesh Khanna 2-jeer (1970, 1971)

Dharmendra 5-jeer (1966, 1970, 1972, 1973, 1987)

Amitabh Bachchan 3-jeer (1977, 1978, 1981)

Akshay Kumar 2-jeer (1994, 2019)

Halkaan wax badan oo laga sheego malahan waa sadar muuqdo su’aal ka dhan madaama atoorayaasha horey iskoorkan u sameeyeen ay yihiin kuwii ugu wanaagsanaa ebid fanka Hindiya soo mareen GOAT (Greatest of all time) waxaa micno weyn iyo maamuus lixaad u ah Akshay inuu meel la garo ama lagu daro liiska GOATs-ka Bollywood-ka ah oo ah Dharam, Big Bachchan iyo Rajesh Khanna. Sidaa darteed Akki kuwa isaga ku jiilka ah qaanadaan masoo gali doonaan madaama shaqadooa yar tahay sidoo kalena dhalinyarada hadda Bollywood-ka madaxa usoo qaadeen iyagana shaqadooda ma badno mana sameyn karaan hal sano 4-filim oo HIT ah.

Aflaanta Loogu Daawasho Badan Yahay TV-yada Hal Sano Gudaheeda Atoore Sameeyo Wadar Ahaan:

2.0 (Hindi) – 16-milyan iyo 513,000 oo qof ayaa TV-yada ka daawatay fagta kowaad

Kesari – 15-milyan iyo 666,000 oo qof ayaa TV-yada ka daawatay fagta kowaad

Mission Mangal – 5-milyan iyo 696,000 oo qof ayaa TV-yada ka daawatay fagta kowaad

Housefull 4 – 21-milyan iyo 542,000 oo qof ayaa TV-yada ka daawatay fagta kowaad

TOTAL – 59-milyan iyo 417,000 oo qof ayaa TV-yada ka daawadeen fagta kowaad (ku dhawaad 60-milyan oo qof in atoore hal sano gudahiisa aflaantiisa TV-yada ka daawadaan waa wax waali ah xitaa tirada intaan wey kasii badan laheyn haddii Mission Mangal TV-yada ka gadmi lahaa, waana iskoor waali ah oo ay adag tahay atoore kale inuu jebiyo!)

Gunaanad: Anagoo kasoo sheekeenay iskoorada waalida ah ee Akshay dhigay 2019 haddana waxaa jirto fursad kale oo muuqato in sanadkan 2020 isla iskoorkan inuu soo celiyo! Ma ahan wax mala awaal ah waa arin dhici karto madaama Kumar u diyaarsan yihiin sanadkan afar filim oo waa weyn weliba sedex ka mid ah sedexda fasax qaran Hindiya ugu weyn la daawan doono waxaana u diyaarsan aflaanta kala ah Sooryavanshi (27 Maarso), Laxmi Bomb (Eid), Prithviraj (Diwali) iyo Bachchan Pandey (Chritsmas).

Waa Ku Mahadsan Tahay Aqriskaaga Maqaalkan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here