Waxaan wada ognahay in Hindiya iyo dunida inteeda kale xaalad bandow ah lagu jiro oo isku socod-ka, waxbarashada iyo ganacsiga gabi ahaanba istaageen waxayna dhibaato xoogan soo gaartay shirkada ugu weyn Hindiya ee aflaanta soo saarto loona yaqaan Bollywood.

Haddaba lama qiyaasi karo xiliga tiyaatarada dib loo furi doono laakiin rajo waxaa la qabaa bilaha June ama July in xaalada caadi kusoo laabato waana waqti ku fog Bollywood-ka madaama filimo badan oo miisaaniyad culus xambaarsan waqtigii la daawan lahaa dib kaga dhaceen qasaaro xoogan la kulmayaan shirkada aflaanta soo saaraan.

Bishii Maarso waxaa la daawan laha filimka Sooryavanshi ee Akshay Kumar hogaamiye ka yahay wuu baaqday si la mid ah bishan April horaantaadii filimka 83 ayaa isna la daawan lahaa wuuna baaqday waxayna ugu sii daran tahay in haatan hubanti ahaan filimada Radhe iyo Laxmi Bomb oo la daawan lahaa Eid 2020 ama 25-ka May iyagana dib loo dhigi doono.

Sidaa darteed marka xaalada caadi kusoo laabato waxaa la sadaalinaa in filimo waa weyn isku dhici doonaan oo halmar la isla saari doono madaama filimo badan baaqanayaan kuwo kalena waqtigii loo asteeyay aan la daawan karin madaama weli duubis u harsan tahay waxayna ka dhigan tahay in gabi ahaanba jadwalka filimada Bollywood-ka isku qasmay lana ogeyn aflaanta sanadkan la daawan doono iyo kuwa soo bixi doonaan.

Shirkada Hindiya ugu weyn Yash Raj Films ayaa ku fikireyso filimada sanadkan usoo bixi lahaayeen inay dib u dhigto madaama filimka Shamshera ee Ranbir hogaamiye ka yahay la daawan karin 30 July 2020 halka filimka Prithviraj ee Akshay Kumar hogaamiye ka yahay isagana Diwali 2020 ama bisha November la qorsheeyay in la daawado laakiin 20% kaliya aa filimkan la duubay waxaana u harsan shaqo fara badan.

Aamir Khan oo isagana filimka Laal Singh Chhadha hogaamiye iyo soo saare ka ah waxaa laga soo xigtay in filimkiisa dib u dhigi doono madaama qorshaha uu ahaa in Christmas 2020 ama 25-ka December la daawado madaama shaqo culus filimkan u harsan lana rabo dunida oo idil in laga daawado.

Ajay Devgn oo isagana soo saare ka ah filimka weyn Bhuj – The Pride Of India wuxuu walaac ka qabaa xaalada Hindiya madaama filimkiisa duubis badan u harsan tahay lana rabay in la daawado 14 Aug 2020 waxayna u badan tahay mashruucan weyn isaga dib in loo dhigi doono waxayna ka dhigan tahay in xaalka siweyn u qayasan yahay sidoo kalena qasaaro xoogan Bollywood-ka la kulmi doonaa kulamaa xaalada sidaan sii ahaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here