Jimcadan waxaa masraxa la saaraa filimka reer magaalka loogu tala galay Angrezi Medium oo Irrfan Khan hogaamiye ka yahay sidoo kalena waxaa door adag ku leh atirishada awooda badan Kareena Kapoor Khan, haddaba shabakada Boxoffice India (BOI) waxay maqaal kasoo qortay filimkan fursadaha uu heesto iyo caqabadaha ka hor imaan karaan:

Marka kowaad Angrezi Medium waa qaybta labaad filimkii Hindi Medium ee sanadii 2017 HIT-ka noqday sidoo kalena Irrfan Khan kaalintiisa siweyn loogu amaanay wuxuu filimkan cimri ahaantiisa soo xareeyay 63.06 Crore balse suuqa sida weyn looga soo dhaweeyay wuxuu ahaa Delhi/UP asigoo ka keenay halkaas 17 Crore taasi oo ka dhigneyd in 28% ganacsigiisa Waqooyiga ku xeen daabnaa. Sidoo kalena waxaa tikit u goosteen 5-milyan iyo 400,000 oo qofood dhanka TV-yadana siweyn loogama soo dhaweynin.

Marka labaad in qayb labaad laga sameeyo Hindi Medium oo loo bixiyo Angrezi Medium  halisteeda ayay wadataa madaama qaybtii kowaad reer magaalka loogu tala galay sidoo kalena dad aad u badan aysan daawanin sidaa darteed waa isku day halistisa wato in qayb labaad la sameeyo.

Marka sedexaad qaybta labaad taxanahan Angrezi Medium haatan fariintiisa waxay ku xeen daaban tahay gobolka Rajashthan iyo London oo fariintiisa ku saabsan tahay sidaa darteed dadkii qaybta kowaad HIT ka dhigeen ee reer Delhi waa la dayacay waana arin xiiso badan sida qaybta kowaad u gadmi doonto.

Marka afaraad Director-ka mashruucan Homi Adajania qaybtii kowaad isaga ma sameynin waana filim sameeye horey u sameeyay aflaan dad badan aysan daawanin sida Being Cyrus, Finding Fanny iyo Cocktail, kaliya Cocktail ayaa HIT u noqday isagana wuxuu ahaa filim reer magaalka gadeen sidaa darteed dhaliishiisa wey badan tahay.

Marka shanaad dhanka fursadaha filimkan waxaa ugu horeyso Kareena Kapoor Khan waayo mashruucan mid weyn ayaa laga dhigay marka Kareena lagu soo daray waxayna leedahay shacbiyad balaaran oo ay mashruucan fagta hore ku gadi karto.

Marka lixaad soo laabashada Irrfan Khan oo dhawaanahan wax filim ah keenin kana soo kabtay xanuunkii kansar-ka waa fursad kale madaama dadka u xiiseen xirfadle Irrfan inay shaashada ku daawadaan.

1 COMMENT

  1. Thanks zakariye sidaa maqaalkan xiisaha leh noola wadaagtay fikirkayga waxay ila tahay filmkan inuu qaybti hore ka lacag badin doono taagerayal badan oo dhanka kareena aad bay usugayaan oo aan aniga ka mid ahay guul baan u rajaynaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here