Shirkada Forbes ayaa maqaal gaar ah kasoo daabacday awooda Superstar Akshay Kumar madaama uu noqday shaqsiga kaliya ee Hindi ah kaasi oo soo galay liiska 100-ka shaqsi ugu caansan ee daqliga ugu badan kasbadeen 2020.

Kumar wuxuu kasbaday $48.5m 12-kii bilood ugu dambeesay sidoo kalena wuxuu galay kaalinta 52-aad waxayna Forbes kasoo daabacday maqaal ay kaga hadleyso Kumar in labo sano xariir ah uu noqday kan Hindiya ugu caansan ee daqliga ugu badan kasbaday oo liiska 100-ka qof soo galo.

Haddaba Forbes waxay kasoo daabaceen Akshay Kumar maqaal ay ugu magac dareen Hollywood-ka sanado badan ayay ku qaadatay inay Boqorka Bollywood-ka (Akshay Kumar) gacanta ku dhigaan.

Maqaalkan sirta ku hoos duugan waxay tahay shirkada Amazon Prime ee Hollywood-ka laga leeyahay sidoo kalena aflaanta Online loo daawado sameyso in Kumar heshiis la gaartay si uu filimka The End ugu sameeyo kaasi oo Online ahaan loo daawan doono waxaana hormaris ahaan loo siiyay $10m.

Sidoo kale Akshay Kumar wuxuu la gaaray Amazon heshiis ah mustaqbalka dhow inuu sameeyo filim Hollywood ah oo tiyaatarada caalamka laga daawan doono si caalami ah loo sameenayo balse qorshahan dib u dhac xoogan ayaa ku imaaday saameynta Coronavirus-ka awgeed ee dhaqaalaha dunida dhulka galiyay lixda bilood sanadkan ugu horeesay.

Hindiya waxay leedahay shacab gaarayo 1.35-bilyan waxaana la sheegay in dadkaas badankooda dhalinyaro yihiin oo da’dooda ka hooseyso 35-sano sidaa darteed Hollywood-ka shirkadaha aflaanta sameeyaan ka mid ah suuqa Hindiya ayay ku tartamayaan waxayna u arkaan Akshay Kumar inuu yahay midka ugu soo jiidashada badan gudaha Hindiya madaama uu awoodo sanadkii afar filim inuu sameeyo.

Sidaa darteed Akshay Kumar haatan waa shaqsiga ugu horeeyo ee Hollywood-ka maal gashi ku sameesan doonaan marka ay rabaan suuqa Hindiya inay gacanta ku dhigaan waxaana Superstar-kan sii caawin doonto in sanadkan 2020 uu noqday Hindiyaanka kaliya ee liiska 100-ka shaqsi ugu caansan daqliga ugu badan kasbadeen kasoo muuqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here