Megastar Chiranjeevi filimkiisa tiyaatarada saaran Sye Raa waxaa u suura gashay mudo 9-maalmood ah darajada 200 Crore inuu ku gaaro ganacsigiisa dibad iyo dal wuxuuna noqday filimka 5-aad ee Telugu iska leeyihiin darajadan gaaro iyo filimka 13-aad Koonfur Hindiya iska leeyihiin ee darajadan loo diiwaan galiyo.

Chiranjeevi wuxuu noqday atooraha 7-aad ee Koonfur Hindiya kasoo jeedo kaasi oo darajada 200 Crore iyo ka badan gaaro waana guul lixaad leh madaama Superstar-ka taariikh ahaan Telugu ugu awood badan weli shacbiyadiisa iyo awoodiisa Boxoffice-ka lumin asigoo haatan 64-jir ah.

Fadlan hoos kaga bogo atoorayaasha Koonfur Hindiya iyo sida ay u kala awood badan yihiin marka laga hadlaayo ganacsiga aflaanta sameeyaan dibad iyo dal hal beegana uu yahay 200 Crore iyo wixii ka sareeyo:

Darajada 400 Crore+

Prabhas 3-filim (Bahubali 1, Bahubali 2 & Saaho)

Rajinikanth 1-filim (2.0)

Darajada 200 Crore+

Rajinikanth 4-filim (2.0, Robot, Kabali & Petta)

Prabhas 3-filim (Bahubali 1, Bahubali 2 & Saaho)

Vijay 2-filim (Mersal & Sarkar)

Vikram 1-filim (I)

Ram Charan 1-filim (Rangasthalam)

Yash 1-filim (KGF Chapter I)

Chiranjeevi 1-filim (Sye Raa)

F.G: Ma jiro atoore kale oo Koonfur Hindiya kasoo jeedo kaasi oo uu filim uu hogaaminaayo darajada 200 Crore gaaray ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here