Waxaan shalay idin la wadaagnay in lagu dhawaaqay dhamaan hawlaha filim jilista kala duwan la joojiyay aflaanta Bollywood-ka, kuwa musal salada Tv-yada laga daawado iyo kuwa sida Online-ka ah Internt-ka looga daawado sidoo kalena inta badan tiyaatarada ugu waa weyn gobolada Hindiya ku yaalo waa la xiray.

Sidaa darteed shabakada Rediff waxay maqaal kooban oo xiiso badan kasoo qortay qasaaraha Bollywood-ka la kulmi doonaan aflaantooda gaar ahaan kuwa masraxa ka baaqdeen ama kuwa saaran sababna qasaarahan u yahay caabuqa halista badan Coronavirus oo gudaha Hindiya iyo guud ahaan daafaha caalamka dhibaato ku haayo.

Baaghi 3 oo masraxa saaran haddii xaalada caadi ahaan laheyd wuxuu cimri ahaantiisa gaari lahaa 150 Crore ($20.22m) waxay ka dhigan tahay madaama haatan tiyaatarada badankooda la xiray wuxuu lumin doonaa ama qasaari doonaa Baaghi 3 40 Crore ilaa 50 Crore ($5.40m-$6.74m).

Angrezi Medium filimkan Irrfan Khan kusoo laabtay sidoo kalena Kareena Kapoor Khan kula jirto isaga xaalka siweyn ayuuba ugu xun yahay Jimcadii ayuu masraxa soo koray haddii xaalka caadi ahaan lahaa wuxuu keeni lahaa 70 Crore ($9.44m) balse mashrucan dhibaatada ku habsatay awgeed wuxuu lumin doonaa ama qasaari doonaa ku dhawaad 50 Crore ($6.74m).

Sooryavanshi Akshay Kumar iyo Katrina Kaif filimkooda qorshaha wuxuu ahaa in la daawado 24-ka bishan Maarso balse haatan dib ayaa loo dhigay lamana shaacin xiliga la daawan doono haddii xaalka caadi ahaan lahaa mashruucan 200 Crore ilaa 250 Crore ($26.97m-$33.71m) ayuu keeni lahaa sidaa darteed qiyaas ahaan 200 Crore ($26.97m) ayaa ka qasaartay filimkan.

83 filimkan Ranveer Singh iyo Deepika Padukone hogaamiye ka yihiin isagana 10 April 2020 ayaa la daawan lahaa balse hadda dib ayaa loo dhigay madaama Coronavirus saameyn ku yeeshay sidaa darteed haddii xaalka caadi ahaan lahaa oo masraxa la saari lahaa mashruucan 200 Crore ilaa 250 Crore ($26.97m-$33.71m) ayuu keeni lahaa sidaa darteed qiyaas ahaan 200 Crore ($26.97m) ayaa ka qasaartay filimkan.

Sidaa darteed aqristayaasha qiimaha badan Bollywood-ka waxay qasaari doonaan ama qasaareen 500 Crore ($67.49m) qasaarahan wuxuu ku xeen daaban yahay ilaa 10-ka April 2020 haddii xaalada kasii dartana qasaaraha wuu sii badan doonaa hubaal ahaan!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here