
Bollywood-ka wax shaqo ah kama socoto sidoo kalena dhamaan tiyaatarada gudaha Hindiya iyo kuwa daafaha caalamka wey xiran yihiin madaama Coronavirus dhibaato xoogan caalamka u geestay. Sidaa darteed waxaan idiin heynaa maqaal kooban oo xiiso badan kana hadlaayo iskoorada Bollywood-ka ka jiraan iyo atoorayaasha heestaan xiligaan:
Gudaha Hindiya Iskoorada Filimada Bollywood-ka Dhigeen Ama Heestaan:
Filimka maalinta kowaad lacagaha ugu badan soo xareeyay: War – 50.61 Crore
Sedexda maalmood ugu horeyso filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay: Sanju – 119.33 Crore.
Todobaadka kowaad filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay: Sultan – 208.99 Crore
Lacagaha ugu badan gudaha Hindiya filimka kasoo xareeyay cimri ahaan: Dangal – 374.53 Crore.
Suuqyada Caalamka Iskoorada Filimada Bollywood-ka Ka Dhigeen Ama Heestaan:
Sedexda malamood ugu horeyso filimka suuqyada caalamka lacagaha ugu badan kasoo xareeyay: Padmaavat – $10.59m
Todobaadka kowaad filimka suuqyada caalamka lacagaha ugu badan kasoo xareeyay: Dhoom 3 – $16.83m
Lacagaha ugu badan suuqyada caalamka filimka kasoo xareeyay cimri ahaan: Dangal – $30.70m.
Dibad & Dal Ganacsiga La Isku Daray Filimada Bollywood-ka Iskoorada Heestaan:
Sedexda maalmood ugu horeyso ganacsiga dibad & dal ugu badan filimka heesto: Sultan – 210.12 Crore.
Todobaadka kowaad ganacsiga dibad & dal filimka ugu badan soo xareeyay: Sultan – 394.51 Crore.
Lacagaha ugu badan dibad & dal la isku daray filimka soo xareeyay cimri ahaan: Dangal – 702.47 Crore.
Atoorayaasha Sida Ay Iskoorada Kala Duwan Ugu Kala Badan Yihiin:
Aamir Khan – 4 iskoor ayuu heestaa
Salman Khan – 3 iskoor ayuu heestaa
Hrithik Roshan, Tiger Shroff, Ranveer Singh, Shahid Kapoor, Ranbir Kapoor – min 1 iskoor heestaan.