Guusha waa waxa ugu weyn ee dhaqaajiyo wada shaqeynta jilaayaasha sidaa darteed jilaayaasha bandhigooda daawadayaasha ka helaan sidoo kalena aflaantooda ganacsi wanaagsan sameeyaan waa qasab in filim soo saarayaasha isku baadi goobaan marwalbo inay isla shaqeeyaan si guul looga dhaxlo isku imaatinkooda.

Haddaba shabakada Bollywood Hungama waxaan kasoo xiganay 10-lamaane oo atoorayaal iyo atirishooyin isugu jiraan oo dib u wada shaqeeyeen sanadkii hore 2019 ama sanadkan 2020 shaashada lagu daawan doono isku imaatinkooda waana kuwo inta badan marka ay shaashada soo wada galaan guulo wada gaaraan:

1. Anil Kapoor-Madhuri Dixit (1988, 1989, 1990, 1992, 2019): guulaha ay wada gaareen Tezaab (Blockbuster), Ram Lakhan (Blockbuster), Beta (Blockbuster), Kishen Kanhaiya (Hit) & Total Dhamaal (Hit).

2. Ajay Devgn-Tabu (1994, 2015, 2017, 2019): guulaha ay wada gaareen Vijaypath (Hit), Drishyam (Average), Golmaal Again (Blockbuster), De De Pyaar De (Semi Hit).

3. Salman Khan-Sonakshi Sinha (2010, 2012, 2019): guulaha ay wada gaareen Dabangg (Blockbuster), Dabangg 2 (Blockbuster) balse Dabangg 3 ayaa ka fashilmay.

4. Akshay Kumar-Kareena Kapoor Khan (2001, 2004, 2009, 2015, 2019): guulaha ay wada gaareen Ajnabee (Average), Aitraaz (Average), Kambakkht Ishq (Average), Gabbar Is Back (Semi Hit), Good Newwz (Super Hit).

5. Ajay Devgn-Kajol (1997, 1998, 2010, 2020): guulaha ay wada gaareen Ishq (Super Hit), Pyaar To Hona Hi Tha (Super Hit), Tanhaji: The Unsung Warrior (Blockbuster).

La Soco Qaybta Labaad 10-ka Lamaane Uu Guusha U Saaxiibka Ah Marka Ay Shaashada Soo Wada Galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here