Inta badan jilaayaasha Bollywood-ka waxay u bateen sanadihii dhawaa inay kasoo muuqdaan barnaamijka TV-yada laga daawado si ay dadka guryaha ugu mada daaliyan sidaa darteed waxaa haatan soo badanaayo shaqiyaaska caan ku ahaa tiyaatarada inay dadka ka madaa daaliyaan oo haatan qabanayaan barnaamijyo xaqiiqo ah oo TV-yada laga daawado si ay shacbiyadooda sare u qadaan daqli sarena u helaan.

Waxaan wada ognahay Salman Khan inuu ku caan baxay barnaamijka Big Boss oo haatan qaybtiisa 14-aad sii maraayo Amitabh Bachchan wuxuu ku caan baxay barnaamijka Kaun Banega Crorepati oo isagana xalqadiisa 12-aad sii maraayo.

Sidoo kale Director Rohit Shetty isagana dhex dhexaadinta barnaamijka caanka ah Khatron Ki Ke Khiladi oo xalqadiisa 9-aad sii maraayo sidoo kale Shilpa Shetty waxay caan ku tahay dhex dhexaadinta barnaamijyada dance-ga sida Nach Baliye iyo Super Dancer. Halka Madhuri Dixit iyadana lagu yaqaano barnaamijka Dance Deewana. Dhinaca kalena Kareena Kapoor sanadkii hore waxay kasoo muuqatay barnaamijka Dance India Dance oo ay dhex dhexaadiye ka noqotay.

Haatan waxaa ciwaanada qaadanayaan kooxda sameesay barnaamijka Indian Pro Music League oo ah horyaal tartanka muusigada lagu tartami doono waxaana ka qayb qaadanayaan lix kooxood oo ay iska leeyihiin jilaayaasha Bollywood-ka kuwaas oo kala ah Shraddha Kapoor, aabaheed Shakti Kapoor iyo walaalkeed Siddhant Kapoor hal koox wada leh, Govinda iyo xaaskiisa Sunita oo koox iska leh, Rajkummar Rao oo kaligiis koox leh, Retiesh Deshmuikh iyo xaaskiisa Genelia oo iyagana koox iska leh.

Waxaa muuqato in dhanka TV-yada loo badanayo ayado halkaas lagu arkay macaas ka badan midka filimada laga sameyn karo sidoo kalena shacbiyad balaaran lagu heli karo madaama qoysaska daawashada barnaamijyadan guryahooda si lacag la’aan ah ugu daawanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here