
Aqristayaasha qiimaha badan shabakada Boxoffice India (BOI) waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in filimka Tanhaji oo HIT yahay sidoo kalena Super HIT u dalaci karo haddii todobaadkiisa labaad uu mashruucan is celiyo waana guul ay si wadajir ah u gaareen kooxda filimkan haba ugu horeeyaan Superstar Ajay Devgn, Saif Ali Khan iyo Kajol.
Balse waxaan idiin heynaa arin xiiso badan oo ku aadan in Saif iyo Kajol ugu dambeyntii culeeska ka dajiyay waxaana culeeska ka dul qaaday Superstar Ajay Devgn madaama labadan filim macaash laga helo ama HIT dhameestiran u noqdo ay sameeyeen ugu kala dambeesay 10-sano iyo 8-sano ka hor!
Kajol Devgn filimkeedii ugu dambeeyay ee HIT u noqdo wuxuu ahaa My Name Is Khan oo sanadii 2010 la daawaday waxayna isla jileen SRK wixii markaas ka dambeeyay xidigtaan filimkeedaa HIT ma noqonin inkastoo aflaan badan aysan sameynin haddana mudada 10-ka sano Kajol HIT baadi goobeesay aflaanta usoo baxeen hoos kaga bogo natiijadooda:
We Are Family (2010) – Flop
Toonpur Ka Superrhero (2010) – Disaster
Dilwale (2015) – Semi Hit
Helicopter Eela (2018) – Disaster.
Tanhaji – The Unsung Warrior (2020) – HIT
Saif Ali Khan isagana filimkiisii ugu dambeeyay ee HIT u noqdo wuxuu ahaa Cocktail oo la daawaday sanadii 2012 waxaana la jileen Deepika Padukone iyo Diana Penty kadib wuxuu sameeyay 11-filim oo aan midna HIT noqonin mudadaas 8-sano ah sida aad hoos ka arki kartiin laakiin ugu dambeyntii Tanhaji ayaa HIT u noqday:
Race 2 (2013) – Semi Hit
Go Goa Gone (2013) – Flop
Bullet Raja (2013) – Flop
Humshakals (2014) – Flop
Happy Ending (2014) – Disaster
Phantom (2015) – Flop
Rangoon (2016) – Disaster
Chef (2017) – Disaster
Kaalakaandi (2018) – Disaster
Baazaar (2018) – Flop
Laal Kaptaan (2019) – Disaster
Tanhaji – The Unsung Warrior (2020) – HIT
Sida guud aqristayaasha qiimaha badan Kajol waxay heesataa 14 Filim oo HIT dhameestiran u noqdeen waayaheeda fanka oo kasoo bilaawdo sanadii 1992.
Saif Ali Khan isagana aqristayaasha qiimaha badan wuxuu heestaa 12-filim HIT dhameestiran u noqdeen wuxuuna waayihiisa fanka kasoo bilaawdaa sanadii 1993.
Sidaa darteed Saif Ali Khan iyo Kajol waa inay u mahad celiyaan Superstar Ajay Devgn oo ay madaxiisa ku heleen filim HIT dhameestiran ah ayagoo mudo dheer ugu dambeesay in mashruucooda macaash laga helo marka tiyaatarka la saaro.