Atooraha la wada jecel yahay ee xidignimada u dalaci rabo Kartik Aaryan ayaa maanta 30-sano jirsaday wuxuuna dhashay 22 November 1990 asigoo ku dhashay magaalada Gwalior ee gobolka bartamaha Hindiya ku yaalo Madhya Pradesh ka tirsan. Wiilkan magaciisa dhabta ah waa Kartik Tiwari balse marka uu Bollywood-ka soo galay ayuu Kartik Aaryan la baxay.

Sanadii 2011 ayuu fanka Hindiya kusoo biiray wuxuuna kusoo caan baxay filimkii guuleestay Pyaar Ka Punchnama kadibna 9-sano uu Bollywood-ka ka tirsan yahay wuxuu noqday atoore isku filan oo guusha u saaxiib ah filimo waa weyna hogaamiye ka noqday.

Fadlan hoos kaga bogo Kaartik Aaryan iyo taxliil ku saabsan filimada uu sameeyay ilaa haatan ee uu hogaamiye ka yahay guul iyo guul daro waxa ay la kulmeen sida aan kasoo xiganay keedka shabakada Boxoffice India (BOI):

1. Pyaar Ka Punchnama (2011) wuxuu soo xareeyay 12.58 Crore, waa Average

2. Akaash Vani (2013) wuxuu soo xareeyay 2.24 Crore, waa Disaster

3. Kaanchi (2014) wuxuu soo xareeyay 3.89 Crore, waa Disaster

4. Pyaar Ka Punchnama 2 (2015) wuxuu soo xareeyay 60.38 Crore waa Super Hit

5. Guest in London (2017) wuxuu soo xareeyay 7.25 Crore, waa Disaster

6. Sonu Ke Titu Ki Sweety (2018) wuxuu soo xareeyay 100.80 Crore waa Super Hit

7. Luka Chuppi (2019) wuxuu soo xareeyay 88.51 Crore waa Hit

8. Pati Patni Aur Woh (2019) wuxuu soo xareeyay 80.41 Crore waa Hit

9. Love Aaj Kal (2020) wuxuu soo xareeyay 33.39 Crore waa Flop

Sida xogta sare ka muuqato Kartik Aaryan waa HIT dhameestiran u noqdeen 4-filim taasi oo ka dhigan in 44.44% filimadiisa HIT noqdeen. Sidoo kale wiilkan 5-filim ayaa u guuleesteen taasi oo ka dhigan in 55.55% filimadiisa guuleesteen, halka 4-filim ka guul dareesteen taasi oo ka dhigan in 44.44% filimadiisa guul dareesteen.

Filimada uu Kartik Aaryan soo wado waxaa qayb ka ah Bhool Bhulaiyaa 2, Dostana 2, SRK filim cusub u maal galineyso, Director Ram Madhvani filimkiisa xiga iyo xitaa waxaa macquul ah Allu Arjun filimkiisa Ala Vaikunthapurramuloo Telugu ah dib loo sameenayo inuu Kartik hogaamiye ka noqdo sida la isla dhex maraayo balse rasmi ma ahan weli.

2 COMMENTS

  1. Asc ustad sakariye waxaan ku wediinaa waxad wax iiga sheegtaa sidee uu atooraha ku noqon karaa xidig dhameestiran awodiisa maxaa lagu qiimeeya iyo sidee uu super star ku noqon kara iyo meega staar ustad untaas inooga soo jwb dad ayaan isku heesanaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here