24 saacadooda gudahood waxaa geeriyooday labo jilaa ee maqaam sare ku lahaa gudaha hindiya Irrfan Khan Iyo Rishi Kapoor.

Labadaan jilaa geeridoda waxaa sabab u ahaa ama ka siman yihiin in ay ku geeriyoodeen cudurka kansarka. 

Hadaba waxaa idin soo diyaariyay maqaal ugaar ah labadaan jilaaa iyo in aan mar naba booskooda la buuxin karin mar walbana udub dhaxaad u ahaayeen filimada bollywood-ka sidoo kale waxaa ka hadli doona labadaan jilaa waxyaabaha ay ka siman yihiin dhanka box office-ka cudurka heeyay filimadooda doorka weynaa ku lahaayeen iyo wax walbo oo ay ka siman yiihiin.

Irrfan Khan wuxuu dhashay 1967 wuxuu geeriyooday maalinta shalay aheyd taariikhda ku beegneed 24 April 2020 asigoo 54 jir.

Rishi Kapoor wuxuu dhashay 4 september 1952 wuxuu geeriyooday manta oo taariikhda ku beegan 30 April 2020 asigoo 67 jir ah.

Irrfan Khan wuxuu labo sano la dagaalaayay cudurka kansarka asigoo caafimaaday sanadkii hore laakin intuu cudurka kusoo laaban oo uusan geeriyoonin wuxuu sameeyay filimka Angezi Meduim.

Rishi Kapoor wuxuu labo sano la dagaalaya cudurka kansarka waxaana lagu daaweeyay wadanka London inta uu geeriyooninin wuxuu sameeyay filimka The Body.

Irrfan Khan filimkiisa Angrezi Meduim Waxaa tiyaatada la saaray intii hindiya aysan galin mar xalad dag dag ah ama bandow lagu soo rogin wuxuuna ahaa filimkiisa ugu danbeeyay wuxuuna filimkaan ku jilaayay aabo gabadhiisa jacel oo wax walbo darteeda u sameynaayo.

Filimka The Body waxaa tiyaatarada la saaray 13 December 2019 waxaana la jilay Rishi Kapoor Emran Hashmi nasiib daro disester ayuu ka noqday filimka The Body. Rishi filimka The Body wuxuu ku jilaayay askari u aar gudaayo xaaskiisa aadka u jeclaa waxaana caawineysay gabadhiisa.

Irrfan Khan wuxuu sameeyay filimo uu hogaamiye uu ka yahay oo waliba guulo waaa weyn gaareen waxaana ugu caansan Paan Singh Tomar, The Lunchbox, Hindi Meduim iyo kuwa kale badan wuxuu hal mar ku geeleystay atooraha ugu wanaagsan ee filmfare awards bixiso wuxuuna ku qaaday filimka Hindi Meduim.

Sidoo kale wuxuu ku geeuleystay abaal marinta weyn National film awards wuxuu ku qaaday filimka Paan Singh Tomar.

Rishi Kapoor waxaa lagu xasuusta inuu sameeyay filimo waa weyn oo Classic waxaana ugu horeeya filimkiisa koowaad ee Baby oo blockbuster weyn noqday kuna qaaday atooraha ugu wanaagsan ee shirkada filmfare bixiso.

Sidoo kale waxuu sameeyay filimo waa weyn Marka Baby meel liska dhigo Sargam, Amar Akbar Anthony, Chandni, Deewana, Naseeb, iyo kuwa kale oo badan.

Irrfan Khan kali ma aheyn hogaamiye ee wuxuu ahaa jilaaa filimada doorar caawiye ka qaadan jiray waliba saameyn leh oo aan marnaba la buuxin karin booskiisa wuxuu ahaa jilaa dhiiqada laga helay oo aan dib loo heli karin.

Irrfan Khan doorarka caaawiyaha uu sameyn jiray wuxuu  ciriiri galin jiray hogaamiyaasha filimka hadii u xitaa filimkaas uu ku leeyahay 20 daqiiqo saameyn ayuu ku lahaan jiray.

Rishi Kapoor wuxuu sameeyay filim caawiye uu ku matalaayo oo saameyn weyn leh waliba abaal marino kale duwan ku qaaday waxaa ka mid Agneepath, Love Aajkal, Kapoor & Sons uu ku qaaday atoore caawiyaha ugu wanaagsan sidoo kale asigoo yar waxaa la siiyay abaal marinta National awards oo lagu siiyay filimka Mere naam joker.

Filimada Irrfan Khan hogaamiye ka aheyn laakiin saameen weyn ku leh waxaa ka mid Piku, Life in a metro oo uu ku qaaday atoore caawiyaha ugu wanaagsan shirkada Filmfare bixiso Haasil ee uu ku qaaday laadirka ugu wanaagsan ee filmfare bixiso.

Rishi Kapoor wuxuu sameeyay filimo ka badan Irrfan Khan maadaama filim jilista ka horeeyay sidoo kale Rishi Kapoor wuxuu ahaa jilaa hogaamiye iyo caawin sameyn jiray waana jilaa aan booskiisa marnaba la buuxin haduu filimada hogaamiye ka yahay ama caawiye uu ka yahay wuxuu ahaa mid saameen badan 

Irrfan Khan wuxuu ifka kaga tagay xaaskiisa Sutapa iyo labo wiil oo lagu magacaabo Babil Khan iyo Ayan Khan.

Rishi Kapoor wuxuu ifka kaga tagay labo caruur gabbar lagu magacaabo Riddhima iyo wiilkiisa caanka oo bollywood-ka ka tirsan Ranbir Kapoor.

Ugu  danbeyntii Rishi Iyo Irrfan waxay isla sameeyeen 2013 filimka nolasha gangster-ka ka hadlaayay ee D Day.                           

Maqaalkaan wuxuu ka hadlaayay labadaan jilaa waxyaabaha ka simnaayeen haduuu ahaan lahaa abaal marintooda, doorarka filimka ku lahaayeen, geeridooda iyo waxyaabo kale aan soo aruuriyay inastoo awood ahaan iyo jilaa ahaan Rishi ka weyn yahay Irrfan Khan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here