labo sano ee lasoo gudbay marna ma ahayn mid ay sadexda khans ay doonayaan in dib dambe loosoo xasuusiyo maadamaa uu ku dhacay jabkii ugu weynaa inta ay ku guda jirayn fanka bollywoodka waxaana markii ugu horeesay la arkay sadexda khans oo awoodi waayeen inay sameeyaan filim hit dhamaystiran noqday

Salman Khan , Shah Rukh Khan Iyo Amir Khan waxaa labadii sano ee lasoo gudbay ku dhacay fashil xoogan maadama aflaamtooda kala ah Zero , Race 3 iyo Thug Of Hindustan, Bharat iyo Dabbang

3 ay si weyn ugu fashilmayn Boxx Office ka waxaana markan laga doonaya inay sameeyaan soo laabasho cajiib ah maadama ay fanka india hormuud u yihiin  25 sano ee lasoo gudbay

laakiin sadexdan libaax waxa ay doonayan inay sanadkan 2020 Bollywoodka tusaan inan lagu soo deg-degi karin sidoo kalena shaki la gelin karin awoodooda maadaama ay la imaan doonan mashruucyo waa weyn kuwaaso ay ku qabsan doonan Boxx Office

haddana sadexdan aktarka maxaa u diyaarsan

Amir Khan

kani waa jilaaga u baahan inuu la yimaado soo laabasho weyn maadaama isagoo aflaamtiisa iska yaraayeen ayuu ku darsaday fashil waxaana aktarka sanadkan uu doonaya inuu Bollywoodka ku qabsado filimka Laal Singh kaaso la hubo inuu gil-gili doono Boxx Office

Salman Khan

marnaba macquul ma ahan jilaaga ugu awoodda badan inuu hal sano gudahayd ku awoodi waayo inuu hal filim oo hit ku samayn waayo

laakiin Salman marnaba ma doonayo inuu sanadkan 2020 taageerayaashiisa niyada ka dilo waxaana u diyaarsan filimka Radhe kaaso ah filim Action waxaana filimkan ku wehlin doonan Disha Patani, Randeep Hooda, Gautam Gulati, and Jackie Shroff halka uu Director ka yahay Prabhu Deva

Shah Rukh Khan

Srk waxaaa qasab ku ah inuu gacmihiisa ku badbaadiyo awoodiisa aktarnimo kaaso soo jirtay 30 sano ee lasoo gudbay isagoona awood u yeeshtay inuu hogaamiyo fanka Bollywood 25 sano ee las99 gudbay.

ka dib fashilka filimka Zero kaaso aktarka ku kaliftay inuu saaxada ka maqnaado hal sano waxa lays weydiiyay maxaa u qorsheesan aktarkan

Shah Rukh Khan ayaa waxaa lagu xamanaya inuu saxiixday aflaamo badan oo waa weyn sida Don 3 , filimka uu Director ka noqon doono Atlee , filimka looga hadlaayo nolosha Rakesh Sharma iyo kuwa kale oo badan laakiin aktarkan waxaa qasab ah inuu ugu yaraan hal filim la yimaado sanadkan si uu u qanciyo fans-kiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here