Sanadkan 2020 sida guud sanad wanaagsan uma ahan fanka Hindiya madaama tiyaatarada mudo 8-bilood ah xirnaayeen xitaa markii dib loo furay horaantii November ilaa haatan filimo waa weyn masraxa lama soo saarin ayadoo cabsi xoogan ay jirto oo ku aadan in karoona soo rogaal celin karo sidoo kalena daawadayaasha diidan yihiin inay tiyaatarada soo aadaan.

Sidaa darteed Bollywood-ka sanadkan waxay ku ceenteen in qaar ka mid ah aflaantooda ay toos kaga iibiyeen shirkadaha adeega Online-ka ah filimada loo daawado bixiyaan kuwaas oo ay ugu caansan yihiin Netflix, Amazon Prime Video, Disney+ Hotstar iyo Zee5.

Balse haatan waxaa la sheegay in shirkadaha Netflix, Amazon Prime Video, Disney+ Hotstar qasaaro xoogan la kulmeen dhankooda madaama filmada Bollywood-ka lacago adag ku iibsadeen balse markii Online ahaan daawashadooda usoo fasaxeen intooda badan macaamiishooda kama aysan helin waxayna ka dhigan tahay badeeco aysan iska hubin in badan ayay iibsadeen natiijadana waxay noqotay qasaaro xoogan inay la kulmeen.

Shirkada Netflix filimo badan ayay Bollywood-ka ka iibsadeen sanadkan 2020 gaba gabada ku dhow balse filimada kala ah Gunjan Saxena – The Kargil Girl  iyo Ludo oo kaliya ayay macaamiishooda ka heleen inta kale oo ay iibsadeen wax daawado ayaa la waayay waxayna shirkadan haatan qaadatay go’aan ah inay in badan iska hubin doonto tayada aflaanta ay iibsaneyso.

Dhinaca kale shirkada Amazon Prime Video iyadana culees xoogan ayay dareentay sababtoo ah filimada Bollywood-ka ay iibsatay sanadkan ma jiro mid macaamiisheeda ku waasheen qaarkood soo dhaweyn wey heleen sida Gulabo Sitabo, Shakuntala Devi iyo Chhalaang laakiin heerkii laga filaayay ma aysan gaarin. Balse Amazon waxaa bad baadiyay filimka Tamil-ka ah ee Superstar Suriya hogaamiye ka yahay Soorarai Pottru kaasi oo si taariikhi ah u hirgalay laguna tilmaamay sanadkan aflaanta Online-ka loo daawaday midkiisa ugu tayada wanaagsan.

Dhinaca kale shirkada Disney+Hotstar niyad jabkii ugu weynaa ayay la kulmeen sabatoo ah Superstar Akshay Kumar filimkiisa Laxmii heerkii laga filaayay ma gaarin inkastoo markii hore daawashadiisa kowaad iskoor dhigay Online ahaan balse kadib filimkan siweyn ayuu u bur buray oo daawadayaasha wey iska diideen xitaa Disney waxay lacag adag ku iibsadeen Sadak 2 oo isagana fashilmay, kaliya shirkadan waxay soo dhaweyn ku heshay filimkii Dil Bechara oo loo daawaday inuu ahaa Sushant Singh Rajput-kii geeriyooday filimkiisii ugu dambeeyay inuu ahaa.

Ugu dambeyntii waxaa cadaatay sanadkan 2020 markii la joogo adeega sida Online ah mada daalo ahaan loo bixiyo in filimada caadiga ah ee hal saac ama labo saac soconayaan ee Bollywood-ka sameeyeen inay ka saameyn badan yihiin filimada musal salka ah ama xalqooyinka ah ee dhowr qeybood ka kooban madaama filimada musal salaadka ah ee qeybaha kala duwan ka kooban sida Aashram, Aashram Chapter 2, Scam 1992 on SonyLIV, Pataal Lok iyo Mirzapur 2 si waali ah Online ahaan loo daawaday kana saameyn badnaadeen adeega Online-ka ah aflaanta Bollywood-ka sameeyeen sanadkan 2020. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here