Maqaal: Qaarkood waxay ugu yeereen ‘DJ’, qaar kalena magaciisa fanka wey ka tir tireen laakiin labadiisa walaal ma geeriyoonin!

Bobby Deol ayaa Bollywood-ka dib ugu soo laabtay afar sano iyo bar asigoo sanadii hore door wacan ku yeeshay filimkii Poster Boys oo ay isla jileen Sunny Deol iyo Shreyas Talpade.

Bobby Deol haatan filimka Race 3 ayuu duubayaa dhawaana filimka Yamla Pagla Deewane 3 ayuu soo gaba gabeeyay shaqadiisa sidoo kalena filimada Bharat iyo Housefull 4 ayuu doorar muhiim ah u ku yeelan doonaa.

Bobby Deol si sahlan kuma soo laabanin jilaagaan 90-maadkii Hindiya laga jeclaa marxalad adag ayuu soo maray afartii sano ee uu hawada ka maqnaa.

Bobby Kuwa Neceb Maxay Ku Tilmaameen: Mudadii afarta sano iyo barka uu hawada ka maqnaa dacaayad badan ayaa laga fidiyay, kuwo ayaa sameesteen akoon magaciisa baraha bulshada waxayna qori jireen in Bobby filim jilista ku fashilmay iskuna badalay ‘DJ’ ama kuwa muusigada goobaha lagu caweeyo ka qaabeeyaan!

Kuwa filimada wax ka qoraan iyagana waxay ku tilmaameen Bobby mid fashilmay oo aan waligiis soo laaban doonin waxay magaciisa ku lifaaqeen”jilaayaasha caanka ah ee guul dareesteen kana faa’iideesan waayeen awooda qoyskooda Bollywood-ka ku leeyihiin”

Bobby Deol Oo Qamriga Saaxiib La Noqday: Bobby ayaa dhawaan qirtay inuu qamriga saaxiib la noqday markii shaqo uu waayay isagana ka niyad jabay inuu fanka kusoo laabto madaama uu iska diiday sameynta filimo aan isaga u qalmin door ahaan.

Sunny Deol waa Walaal Hiilo Galo: Bobby oo hilmaamay inuu atoore caan ahaan jiray waxaa canaantay sidoo kalena dhiiri galiyay Sunny Deol asigoo kusoo daray door wacana ka siiyay filimkii shactirada badnaa Poster Boys.

Sidoo kale Sunny wuxuu Bobby ku qal qaaliyay inuu koonto rasmi ah baraha bulshada ka sameesto sida Twitter-ka, Facebook iyo Instagram si ay meesha kaga baxaan kuwa isaga xumaanta ka faafiyaan ee neceb.

Bobby Deol doorkiisii filimka Poster Boys aad ayaa loogu amaanay xitaa Sunny Deol ayuu ka qaab jiliin wanaagsanaaday sidoo kalena kuwa filimada ka faaloodaan ayaa amaan kala dul dhaceen.

Bobby Deol oo faraxsan wuxuu yiri “Ma aamini karo anigoo afar sano hawada ka maqnaa inaan weli taageerayaal leeyahay sidoo kalena qof walbo afkiisa igu amaanayo waxaa macquul ah kuwii xumaanta iga faafiyeen inay afkooda maanta igu amaanayaan!”

Bobby Deol wuxuu bilaabay inuu taageerayaasha toos ula fal galo xaqiiqo walbana la wadaago wuxuuna iska dhiciyay kuwii magaciisa Bollywood-ka ka tir tireen kuna tilmaameen inuu shaqo waayay ‘DJ’ isku badalay oo uu heesihiisii hore baararka ka qaado!

Bobby Deol markii Poster Boys lagu amaanay waxaa la weydiiyay rajadiisa soo laabasho afar sano iyo bar kadib wuxuuna yiri “Waxaan u dhimanayaa inaan shaqeeyo waxaan diyaar u yahay 24-saac inaan shaqeeyo waayo afar sano iyo bar ayaan shaqo la’aan ahaa”

“Maanta ma ihi atoore awood badan sidii aan ahaan jirey waxaan diyara u ahay inaan magaceyga soo ceshto muhiim iima ahan filimada inaan hogaamiye ka noqdo laakiin waxaa ii muhiim ah inaan soo laabto filimada doorar muhiim ah ku yeesho”

Salman Khan Walaal Kale Oo Bobby Garab Qabtay: Salman ayaa la dhacay sida uu Bobby filimka Poster Boys u jilay wuxuuna ugu wacay beertiisa Panvel asigoo u bandhigay filimka Race 3 door muhiim ah ka qaato.

Bobby wuu aamini waayay balse soo saare Ramesh Taurani oo horey Bobby ugu qarash gareeyay filimada Soldier iyo Naqaab ayaa u sheegay in hadalka Salman xaqiiqo yahay sidoo kalena Race 3 boos weyn laga siinayo.

Salman oo Murqaaniga Cusub Bollywood-ka Bobby ka dhigay: Salman ayaa u sheegay Bobby inuu xishoodka iska dhaafo sidoo kalena jirkiisa dhiso shaatigana uu iska dhigo inta Race 3 duubistiisa socoto.

Bobby ayaa talada Salman qaatay waxayna ku qaadatay todobaadyo kooban inuu jirkiisa ku dhiso sidoo kalena shaashada soo hor istaago asigoo diyaarsan.

Salman khan oo la cajabay qaab dhismeedka Bobby ayaa xidigan dhalashadiisii kusoo bandhigay muuqaal Video kooban wuxuuna soo raacsiiyay qoraal ah “Dhawaan Bobby Deol waxaad ugu yeeri doontaan Body Deol!”

Bobby Deol-kii xumaanta laga faafin jiray ayaa baraha bulshada qabsaday hadal heynta Bollywood-kana kusoo laabtay ayadoo qof walbo uu leeyahay “waxaan sugi weesanahay Eid 2018 inaan daawado Bobby Deol oo xabadkiisa banaanka soo dhigaayo lana xifaaltamayo Salman!”

Bobby Deol oo Indhaha Shirkadaha Bollywood-ka Soo Jiitay: Dhamaan shirkadaha Bollywood-ka ayaa haatan Bobby kusoo xomeen madaama oo si heer sare ah isku dhisay hadal heyntiisana soo ceshtay.

Dhawaan Bobby wuxuu kulan la qaatay Director Sajid Khan iyo soo saare Sajid Nadiadwala waxayna u bandhigeen taxanaha caanka ah Housefull 4 inuu door muhiim ah ku yeesho.

Bobby ayaa la dhacay booska loo bandhigay wuxuuna ka codsaday kooxda Housefull 4 inay soo diyaariyaan jadwalka filimkaan kadibna uu u sheegi doono taariikhda uu diyaar u yahay ka qayb qaadashada mashruucan June 2018 duubis lagu bilaabi doono.

 

Sidoo kale Komal Nahta oo ka mid ah filim falanqeeyayaasha ugu caansan ayaa sheegay in Bobby Deol shirkado badan aflaan usoo bandhigeen haatana uu ku jiro xulashada shaqooyinka kala duwan ee horyaalo.

Bobby Deol 27 Janaayo 2018 markii uu 48-sano jirsaday wuxuu helay hambalyadii ugu badneyd ebid dhamaan jilaayaasha Bollywood-ka iyo taageerayaasha uu baraha bulshada ku leeyahay ayaa hambalyo usoo direen halka dhowr sano ka hor la iska hilmaami jiray inay dhalashadiisa tahay.

Salman Khan Oo Bobby Deol Ka Codsaday Inuu Filimka Bharat Door Muhiim Ah Ku Yeesho: Salman ayaa la dhacsan kartida iyo dadaalka uu Bobby ka muujinayo duubista filimka Race 3 oo jadwalkiisii kowaad Mumbia soo idlaaday haatana jadwalka labaad Bangkok laga bilaabay.

Qof ka tirsan Salman Khan Films (SKF) shirkada Salman ee filimada maal galiso wuxuu yiri “Salman ayaa la dhacsan qaab jiliinka iyo kartida uu Bobby ka muujinaayo goobta Race 3 duubistiisa ka socoto sidaa darteed wuxuu ka codsaday inuu filimka Bharat la sameeyo”

“Bobby ayaa Salman u sheegay inuu wax walbo oo ka codsado u sameenayo madaama uu isaga sabab u yahay soo laabashadiisa iyo inay filim soo saarayaasha maanta baadi goobaan”

“Sidaa darteed Salman ayaa kooxda filimka Bharat ee uu ugu horeeyo Director Ali Abas Zafar ka dalbaday inay diyaariyaan jadwalka filimkaan iyo doorka Bobby Deol laga dhigo mid tayo leh kadibna Bobby lala wadaago si uu kaga soo talo bixiyo waxaana la doonayaa in filimkaan bisha April bartamaheeda shaqadiisa la bilaabo”

Bobby Deol Filimada U Diyaarsan, Kuwa Uu Saxiixan Rabo Iyo Kuwa Lagu Xamanaayo:

Yamla Pagla Deewane 3 waxaa la daawanayaa todobaadka ugu horeeyo April 2018

Race 3 waxaa la daawanayaa 15 June ama Eid 2018

Bharat waxaa la daawanayaa Eid 2019 waxay u badan tahay 90% inuu filimkan sameenayo

Housefull 4 waxaa la daawanayaa Diwali 2019 waxay u badan tahay 80% inuu filimkaan sameenayo

Labo filim oo waa weyn lacago qaali ah lagu sameenayo ayuu saxiixday shirkadaha leh iyo jilaayaasha uu la jilaayo dhawaan ayaa shaaca laga qaadaayaa

Reer Deol filimkooda xiga kadib Yamla Pagla Deewane 3 reer Deol filim kale ayay wada sameyn doonaan Bobby Deol-na qayb ayuu ka yahay.

Shabakada Filimside Waxay Leedahay Soo Laabasho Wanaagsan Bobby Deol…………………

4 Comments

  1. Hubaal qoraalkan sida farshaxannimada leh ee aad u diyaariseen waa mid aan idinku bogaadinayo. Wararka kookooban naga daaya sidan nooga oon tira wararka oo annaga oo xog dhammaystiran hayna aan noqonno. Mahadsandiin.

    Bobby waa wiil aan sagashaamaadkii jeclaa aflaamtiisa. Soo labaasho wanaagsan. Aabbihii Dharmendra iyo walaalkii Sunny ayaa min toban sannadood hoggaanka Bollywood u soo hayeen, in uu ku saddeexyo wacnaan lahayde.

Comments are closed.