Maqaal: Raid waa filimka 23-aad ee Ajay Hit u noqdo iyo filimkiisa 37-aad ee u guuleesto

Powerfull Actor Ajay Devgn filimka Raid oo aan xayeysiin loo sameynin sidoo kalena fariin ganacsi xambaarsaneyn ayuu ka dhigay HIT dhameestiran.

Ajay Devgn hadda wuxuu isku xijiyay labo filim oo HIT ah waana Golmaal Again (Blockbuster) iyo Raid (HIT) mudo 5-bilood gudaheeda.

Raid waa filimka 23-aad ee Ajay Devgn HIT dhameestiran u noqdo waayihiisa fanka Hindiya oo ku xeen daaban 1991 ilaa hadda oo u weli yahay Super Star awood badan.

Shabakada Boxoffice India dhawaan waxay sheegtay in atoorihii waayihiisa fanka 20 filim HIT dhameestiran sameeyo uu yahay Super Star weyn taariikhda fanka Hindiya baal dahab ah kaga jiro madaama 10-atoore aysan gaareyn inta 20-filim Hit ka badan sameeyeen taariikh ahaan!

Sidaa darteed Ajay saxaafada ma buun buuniso laakiin hal beega shabakada BOI awooda atoorayaasha Hindiya u sameesay wuu ka talaabsaday.

Sidaa darteed shabakada Filimside ahaan anagana waxaan leenahay hambaly Ajay Devgn madaama 20 HITS aad marhore ka talaabsatay.

Fadlan hoos kaga bogo 20-filim ee Ajay Devgn HIT dhameestiran u noqdeen:

1. Phool Aur Kaante (1991) – Super Hit

2. Jigar (1992) – HIT

3. Dilwale (1994) – Super Hit

4. Vijaypath (1994) – Hit

5. Suhaag (1994) – Hit

6. Jaan (1996) – Hit

7. Ishq (1997) – Super Hit

8. Pyaar To Hona Hi Tha (1998) – Super Hit

9. Kachche Dhaage (1999) – Hit

10. Hum Dil De Chuke Sanam (1999) Hit

11. Bhoot (2003) – Hit

12. Masti (2004) – Hit

13. Golmaal – Fun Unlimited (2006) – Hit

14. Golmaal Returns (2008) – Hit

15. Raajneeti (2010) – Super Hit

16. Once Upon A Time In Mumbai (2010) – Hit

17. Golmaal 3 (2010) – Blockbuster

18. Singham (2011) – Super Hit

19. Bol Bachchan (2012) – Hit

20. Son Of Sardar (2012) – Hit

21. Singham Returns (2014) – Super Hit

22. Golmaal Again (2017) – Blockbuster

23. Raid (2018) – Hit

F.G: Keedka Shabakada BOI Ajay Devgn Waxaa Ugu Jiraan 20-filim Hit Dhameestiran Ah Waayo Raid Weli Keedka Laguma Darin Madaama Uu Tiyaatarada Saaran Yahay, Sidoo Kale Filimada Phool Aur Kaante Iyo Jigar Keedka BOI Kuma Jiraan Madaama Xogta Shabakada Update Ahaan Ku Egtahay 1994 Filimada La Saxay, Balse Shabakada Filimside Ayaa Tirada Ugu Dartay Phool Aur Kaante Iyo Jigar Madaama La Hubo Inay Hit Dhameestiran Yihiin.

Ajay Yaa Ka Hit Badan Atoorayaasha Hadda Weli Awooda Leh:

Ajay Devgn waxaa ka Hit badan atoorayaasha hadda fanka awooda ku leh Salman Khan (28-HIT), Shah Rukh Khan (27-HIT) iyo Akshay Kumar (27-HIT).

Ajay Devgn Yaa Ka Guulo Badan Atoorayaasha Hadda Weli Awooda Leh:

Sidoo kale Ajay Devgn wuxuu sameeyay 37-filim oo guuleesteen kaliya waxaa ka guulal badan Akshay Kumar oo sameeyay 47-filim oo guuleesteen.

Farqiga U Dhaxeeyo Filim Guuleestay Iyo Hit Dhameestiran:

Filim guuleestay waxaa laga wadaa in darajadiisa ay u dhaxeyso Average, Semi Hit, Hit, Super Hit, Blockbuster iyo All Time Blockbuster waa marka aflaanta guuleestay la xisaabinaayo.

Filim Hit dhameestiran noqday waxaa laga wadaa in darajadiisa ay u dhaxeyo Hit, Super Hit, Blockbuster iyo All Time Blockbuster waa marka aflaanta guuleestay la xisaabinaayo.

1 Comment

Comments are closed.