Superstar Aamir Khan fanka Hindiya wuxuu sal dhigtay sanadii 1988 wuxuuna ka mid yahay atoorayaasha fara ku tiriska ah ee 30-sano iyo ka badan awood Bollywood-ka ku leh aadna loogu tixgaliyo maqaamka ay gaareen.

Haddaba waxaan idiin heynaa maqaal kooban oo xiiso badan kana hadlaayo sababta Superstar Aamir Khan loogu yeero Mr. Perfectionist:

Atooraha bilaabay doorarka aflaanta 100% in laga run sheego wuxuuna jecel yahay doorka uu sameenayo inuu waqti badan galiyo si doorkaas isugu ekeysiiyo dhan walbo.

Atooraha filimada ugu badan All Time Blockbuster noqdeen sameeyay: 5-filim

Atooraha iskoorada casriga ah Bollywood-ka u bilaabay: 100 Crore, 200 Crore, 250 Crore, 300 Crore & 350 Crore.

Atooraha ugu fariinta wanaagsan Bollywood-ka sheeko ahaan: 10-kiisa filim ugu sheekada wanaagsan qiimeyn ahaan 8-dhibcood iyo ka badan ayay heestaan 10-ka dhibcood wax lagu qiimeeyo shabakada IMDb Rating.

Atooraha sameeyay labo tobonaad oo kala duwan filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay 3 Idiots (200-09) & Dangal (2010-19) aflaanta Bollywood-ka ayaa laga hadlaa.

Atooraha heesto iskoorka filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay ebid ee Bollywood ah waana Dangal oo 374 Crore nadiif ah soo xareeyay.

Atooraha kaliya ee filimkiisa $30m kasoo xareeyay suuqyada sida joogtada ah aflaanta Hindiga looga daawado USA/Canada, UK, Aus/NZ, Gulf & Pakistan filimkaasna waa Dangal.

Atooraha kaliya sameeyay filimkiisa $233m inuu soo xareeyo ganacsigiisa dhamaan suuqyada caalamka China xitaa ay ku jirto waana Dangal filimkaas.

Atooraha kaliya sameeyay filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay ganacsiga gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka la isku daraayo waana Dangal oo soo xareeyay 2,023.81 Crore.

1 COMMENT

  1. aad aayaad u mahad santahay.zhp zakariye abdi. waxan rapay in aan dadka akhrista webkan aan rabay inan la wadaago in ay jiraan dad aflaamta hollywood xiise ay jiran marka waxan rabay inan idiin sheego website ay si fudud aflaamta americanka kuwooga isla marka lagu soo fasaxo iyo kuwii horeba ay khadka ay ka dawan karan amaba ay ka dounload garesan karan waxana layiraa http://www.egy.best tnk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here