Mega Star Salman Khan wuxuu dareemay in Superstar Akshay Kumar loolan adag ku haayo weliba si gaar ah labada sano iyo bar ugu dambeesay madaama Akki uu ku caan baxay sameynta aflaanta tayada wanaagsan halka Sallu mudadaas dhaliil xoogan lagu haayo fariimaha u dooranayo marka laga soo tago filimkii Tiger Zinda Hai oo siweyn loo amaanay.

Maxaa Sababay in Akshay Sare Usoo Kaco Halka Sallu Isagana Fariimo Wanaagsan Dooranin:

Sababta ugu weyn waxay tahay gabadha maamusho jilaaaasha ee lagu magacaabo Reshma Shetty oo dhanka Sallu ka weecatay una weecatay dhanka Akshay Kumar waxayna u noqotay maamule u xusho ama u doorto aflaanta tayada wanagsan waana arin uu siweyn Akki ugu faa’iiday 2-sano iyo bar ugu dambeesay.

Reshma Shetty marka ay Akshay Kumar noqotay maamulihii hagto doorashada aflaanta uu saxiixanayo iyo mashaariicda uu gacanta ku dhigay hoos kaga bogo:

Padman = Average

Gold = Average

2.0 = Super Hit

Kesari = Hit

Mission Mangal = Super Hit

Aflaanta usoo socdaan Akshay ee Reshma Shetty ka dambeesay inuu saxiixdo kana aqrisay sheekooyinkooda laguna kalsoon yahay ganacsi weyn inay sameyn karaan:

Housefull 4 (25 Oct 2019)

Good News (27 Dec 2019)

Sooryavanshi (27 Mar 2020)

Laxmi Bomb (Eid 2020)

Prithviraj (Diwali 2020)

Bachchan Pandey (Christmas 2020)

Reshma Shetty iyo marka ay Sallu isku dhaceen kadibna aflaanta uu saxiixday asigoo la taliye dhanka aflaanta ah ka dhigtay qof qoyskiisa ka mid ah:

Race 3 = Average

Bharat = Semi Hit

Maxaa Sababay Sallu iyo Reshma Shetty Inay Isku Dhacaan?

Reshma Shetty kaalin weyn ayay ka qaadatay in Sallu awood ku qabsado Bollywood-ka waayo laga soo bilaabo xiligii Wanted uu la imaanayay ilaa uu cirka ka galo ayay la shaqeeneesay ayadoo aflaanta uu dooranayo kala talin jirtay, xayeysiimaha uu sameenayo iyo qandaraasyada shirkadaha TV-yada la galaayo.

Balse Sohail Khan oo ah Sallu walaalkiis ka yar ayay isku dhaceen taasina waxay sababtay in Reshma meesha laga saaray wuxuuna Salman sanadkii hore dhamaan hawlihisa ganacsi iyo talooyinka uu u baahan ku wareejiyay walaalkiis Sohail Khan wuxuuna galay qalad weyn markii Reshma Shetty gacantiisa ka baxsatay.

Akshay Kumar Siweyn Ayuu Ugu Faa’iiday Reshma Shetty:

Reshma waxay Kumar ka caawisay doorashada aflaanta tayada wanaagsan, inuu noqdo atooraha ugu daqliga badan 2019 Hindiya madaama $65m qasnadiisa soo gashay, atooraha xayeysiimaha ugu badan sameeyo asigoo in ka badan 100 shirkadood oo kala duwan dhanka TV-yada xayeysiin ugu sameeyo sidoo kalena haatan Akshay waxaa loo arkaa awooda kaliya ee halis ku ah Salman Khan mudada dheer kursiga hogaanka Bollywood-ka ku fadhiyay.

Sallu & Reshma Waa Heshiiyeen Dib Ayayna U Wada Shaqeyn Doonaan.

Kadib markii Salman iska diiday sameynta filimka Inshallah ee filim sameeye Bhansali iska lahaa xidigan waxaa la sheegay inay ka wareertay go’aan qaadashada una baahan yahay qof hagto sidaa darteed Reshma Shetty dib ayuu ula heshiiyay waxayna amba qaadi doonaan shaqadii quruxda badneyd ee horey kaga dhaxeesay laakiin lama xaqiijin in Reshma shaqada Akshay iska dhaafi doonto sidoo kale gabadhan dhawaan waxay heshiis la gaartay Shahid Kapoor inay ka caawiso doorashada aflaanta tayada wanaagsan madaama Shahid culees badan saaran yahay tan iyo markii filimkii Kabir Singh Blockbuster weyn noqday ma doonayo inuu aflaan aan tayo wanaagsan laheyn doorto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here