Shabakada Box-office India (BOI) ayaa tilmaamtay in Kareena Kapoor lugta la gashay maqaamka Superstar nimo ayna kamid noqotay atiriishooyinka taariikh ahaan darajadan gaareen sido kale waxay shabakada soo saartay liiska atiriishooyinka waqtigaan ugu awooda badan fanka hindiya hadaba maqaalka oo Filimside idiinso turjumtay hoos kaga bogo:

Marwalba waxaa jiraan shuruudo laga rabo atiriishada si ay u noqoto atiriisho Star Power leh sida atoorayaasha oo kale marka Box-office-ka la joogo, waxaana marwalba wanaagsan atiriishada inee awoodeda ku iibin karto Filimada sida Chhapaak oo kale maadama atiriisho hogaamineyso awoodedana lagu cabiri karo bedelkii ay atiriisho kowaad ka noqon lahaayed Filimo Superstars waaweyn hogaamiyaal ka yihiin ileen atooraha weyn ayaa marwalba libinta ka qaadanaayo hade sheekada sidaa noqoto.

Atiriisho walba oo aqoonsi weyn heysato awoodna kuleh gudaha India Filim wey liito xitaa wey dhaqaajin kartaa si uu ganacsi fiican u sameeyo ileen aqoonsiga gobolada ay ka heysato ayaa weyn xitaa Filimkaas atoore weyn haduu kujiro atiriishasa gobolada qaar xitaa awooda kuleh Filimkaas iyada ayaa dhinaceeda awoodeda kaga iibisay.

Tusaale farqiga udhaxeya Alia Bhatt iyo atiriishooyinka kale waxuu yahay ine aqoonsi weyn iyo awood ballaaran ay ku leedahay Mumbai iyo Pune waxaana marqaati ka ah ganacsiga Filimadeda halkaas ka sameyaan, Filimka Gully Boy oo kale waa Filim Mumbai iyo Pune ku xeendaaban ganacsigiisa meelo kale haka gadmo balse labadaas magaalo ayuu ganacsigiisa ugu badan ka keenay waxaana ugu wacan awooda Alia Bhatt halkaas kuleedahay iyo sida Filimadeeda aqoonsiga halkaas oga heleen marka Alia Bhatt labadaas magaalo ayadaa xoreysatay marka atiriishooyinka hada jiraan laga hadlo.

Tusaale kale 2 States iyo Raazi waa Filimo loogu talo galay ganacsigooda ugu badan inee ka keenan waqooyiga hindiya sida Delhi balse maadama Alia Bhatt atiriisho kowaad katahay Filimadaas waxay siweyn kaga gadmeen Mumbai iyo Pune awoodeda ayeena ku iibisay ileen halkaas shacbiyadeeda ayaa kubadan Star Power weyn ayeena ku leedahay.

Sidaa aawged majirto atiriisho kale oo gobolada hindiya qaar kamid ah iyada u calaameysan oo ladhihi karo magaalooyinkas atiriisho hebel ayaa ku awood badan ganacsiga Filimada ahaan, laakiin Rani Mukerji ayaa jirtay oo West Bangal awood balaaran ku lahed waxaana marqaati ka ah Filimadedi u dambeyeen sidee halkaas kaga gadmeen balse Rani tartanka hader kuma jirto waxayse kamid tahay atiriishooyinka ugu awooda badan West Bangal taariikh ahaan ee filimadooda ganacsi ahaan halkaas si weyn kaga gadmaan.

Marka aan ka hadalno guud ahaan India oodhan oo magaalooyin gaar ah laga so tago markaas atiriishada ugu aqoonsiga badan uguna caansan uguna awooda badan India oodhan waxay noqone Kareena Kapoor waxaana kusoo xigeyso Katrina Kaif ayadoo loo fiirinaayo shaqadooda oo weyn iyo in Filimadooda India oodhan caan ka yihiin gobol walbana ka gadmaan sido kalena iskooro ka dhigeen qaarkood, marka atiriisho min tuulo ilaa magaalo awood kuleh iyo atiriisho gobolo qaar awood kuleh isku mid ma noqon karaan.

Kareena sigaar ah in loo tilmaamo waa qasab waliba waqtigaan kaalinta labaad ee 10-ka atiriisho ugu awooda badan inee soo gasho ayee u badantahay maadama Filimkeedii udambeyay Good Newwz guul weyn gaaray balse waa hadii Chhapaak fashilmo ganacsi wacana sameyn waayo ileen Deepika Padukone ayaa kaalinta labaad waqtigaan kujirto laakiin Kareena waa atiriishada kaliya 20 sano lasoo dhaafay Filimadeeda badankooda atiriisho kowaad ka ahed.

Taariikhda 100 sano fanka hindiya jiro wali ma dhicin atiriisho 20 sano xiriir ah filimadeeda atiriisho kowaad looga dhigaayey Kareena ayaa xeerkan bilaawday inta badan atiriishooyinka 10 sano ilaa 15 sano ayee filimadooda atiriisho kowaad ama birimo atiirisho ka noqon karaan wixii ka dambeyana atirisho labaad ayee ka noqdaan ama doorar caawin ah balse Bebo 20 sano wali wey soo taagantahay waana atiriisho kowaad waana sababta ay ku noqoneyso SUPER STAR.

Fanka hindiya 4 atiriisho ayaa maqaamka Superstar-nimo gaareen waxayna kala yihiin Mumtaz, Hema Malini, Sridevi iyo Madhuri Dixit balse hada kadib 5 Superstars ayee noqon doonaan Kareena ayaana mida 5-aad ah hubaal ahaana filimo kale oo Hits ah hadii ay siisameyso booskeeda siweyn ayee umuujisan kartaa.

Marka aan intaas kasoo tagno 10-ka atiriisho waqtigaan la joogo ugu awooda badan fanka Hindiya waxay kala yihiin sida tan ayadoon loo fiirineynin magaca weyn ee atiriishada dunida ku leedahay balse loo fiirinaayo maqaamka Box-office-ka iyo sida atiriisho waqtigaan gudaha India Filim kaga iibin karto.

1-Alia Bhatt

2-Deepika Padukone

3-Kareena Kapoor

4-Katrina Kaif

5-Shraddha Kapoor

6-Kriti Sanon

7-Kangana Ranaut

8-Anushka Sharma

9-Sara Ali Khan

10-Priyanka Chopra

F.G: Kareena magacaawida loo magacaabay Superstar waxay ku noqotay 20 sano xiriir ah inee filimadeeda atiriisho kowaad ka ahed waana xeer cusub oo waliged Atiriisho Superstar ku noqonin iyo iskoor ugaar ah Bebo ileen horey looma arag atiriisho 20 sano xiriir ah filimada hogaamineyso.

Waxaan fileynaa inaad fahamteen maqaalkaan qofkii suaal qabo waa naweydiin karaa..

Mahad sanidiin.

Dhamaad…

10 COMMENTS

  1. Waad mahadsan tahay Ali Aadan wll haa xalay fiidki baan ka arkay boxoffice ka lkn waxaa layaabanahay sababta kiara advani usoo gali waydey liiska halka ay sara Ali khan liiska soo gashay ileen kiara ka hit iyo guulo badan Sara Ali khan

    • Sababta waxay tahay in Sara atiriisho kowaad ka ahed Kedarnath iyo Simmba halka Kiara Kabir Singh kaliya heysato waayo Good Newwz Kareena ayaa kowaad ah marka waxaa muhiim ah Filimka atiriishada kowaad.

      M.S.Dhoni Kiara looma xisaabin ileen 3 sano kahor ayuu ahaa awooda hader taagan ayaana laga hadlaya.

      Inaad fahamtay ayaa umaleynaa walal.

    • Walal maqaalka halsano kaliya ayuu ka hadlaa (2019) sida atiriishooyinka ukala awood badnaayeen guul ahaan marka Sara Ali Khan labada Filim aad sheegtay ayee heysatay oo guul ugaareen 2018 booskaas atiriisho kale waa lawaayey aan ayada ahen maqaalkana waa one year kaliya hader 2020 iyo atiriisho walba tabarteed waaye boosaska wey isku dagaali doonaan Kareena oo kale 2-aad ayee usii socota.

    • Waxay ku noqon kartaa ugu yaraan 10 sano xiriir ah inee fanka hindiya awood kuheyso Star Power-kedana sareeyo waana wadada ugu sahlan, wadada ugu adagna waa mida Kareena aan sheegnay ee 20 sano ku qaadatay.

      • Kiriti sanoon sidee ugu awood badnaatat kangaana waayo kangana waan araknay wacdarihii ee ka dhigtay flimki mankarniga of the queen

        • Sababta waxay tahay in Kriti 6 Filim sameysay 2019 3 kamid ah Hit dhameestiran u noqdeen balse Kangana Manikarniga kaliya ayee heysata oo Big Hit u ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here