Dhawaanahan xeerka Bollywood-ka wuxuu noqday filim sameeyee sheeko wanaagsan la imaado in sumcad balaaran yeesho aflaantiisana daawadayaasha ka helaan, waa wax soo jireen ah in atoorayaasha awooda badan filimada gadaan, balse dhawaanahan dadka Hindiya wey hormareen nolol ahaan tan iyo markii tiyaatarada casriga ah Multiplex Hindiya kusoo bateen sidaa darteed aflaanta tayada wanaagsan fariin ahaan ayaa haatan ah dooqa kowaad ee daawadayaasha.

Sidaa darteed Director Shoojit Sircar ayaan diirada saareynaa inkastoo aan la buun buunin haddane filim sameeyahan wuxuu sameeyay aflaan fariin ahaan heer sare ah oo daawadayaasha Hindiya siweyn kaga heleen kuwooda reer magaalka u badan ee ku xiran tiyaatarada Multiplex ee magaalooyinka waa weyn ku yaalo.

Aqristayaasha qiimaha badan Director Shoojit Sircar filimkiisa xiga Gulabo Sitabo waxaa si Online ah barta Amazon Prime Video looga daawan doonaa 12-ka bishan June waxaana hogaamiyaal ka ah Amitabh Bachchan iyo Ayushmann Khurrana waxaana lagu kalsoon yahay in mashruucan fariintiisa heer sare noqon doonto.

Ka hor inta uusan soo bixin filimka Gulabo Sitabo fadlan hoos kaga bogo aflaanta uu Director Shoojit Sircar horey u sameeyay kuwaas oo fariin ahaan heer sare ah iyo mid walbo qiimeynta shabakada IMDb Rating la siiyay kamana marno filimadooda xogtooda ganacsiga inaan xusno:

1. Yahaan (2005) waxaa wada jileen Jimmy Shergill iyo Minissha Lamba, qiimeynta sheekada IMDb Rating 7.4/10 wuxuu soo xareeyay 1.16 Crore waana Disaster.

2. Vicky Donor (2012) waxaa lagu soo caan bixiyay Ayushmann Khurrana waxaana kula jireen Yam Gautam iyo Anu Kapoor, qiimeynta sheekada IMDb Rating 7.8/10, wuxuu soo xareeyay 41 Crore waana HIT.

3. Madras Cafe (2013) waxaa wada jileen John Abraham iyo Nargish Fakhri, qiimeynta sheekada IMDb Rating 7.7/10, wuxuu soo xareeyay 43.84 Crore waana Average.

4. Piku (2015) waxaa wada jileen Amitabh Bachchan, Deepika Padulone iyo Irrfan Khan, qiimeynta sheekada IMDb Rating 7.6/10, wuxuu soo xareeyay 78.38 Crore waana HIT.

5. October (2018) waxaa wada jileen Varun Dhawan iyo Banita Sandhu, qiimeynta sheekada IMDb Rating 7.5/10, wuxuu soo xareeyay 37.11 Crore waana Flop.

Pink (2016) filimkan sheekadiisa ayuu qoray Shoojir Sicrar waxaana wada jileen Amitabh Bachchan iyo Taapsee Pannu, qiimeynta sheekada IMDb Rating 8.1, wuxuu soo xareeyay 65.52 Crore waana HIT.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here