Shabakada Boxoffice India (BOI) horey waxay u sheegtay in intii u dhaxeesay 1990 ilaa 1999 Megastar Sunny Deol 10-kaas sano fanka Hindiya ugu awooda badnaa waxaana awoodiisa lagu cabiray sida uu fagta hore aflaanta daawadayaasha kaga gadi jiray waana hal beega awooda atarayaasha in atooraha awoodiisa lagu qiimeeyo sida sedexda maalmood ugu horeyso filimka u gadi karo kadib gusha iyo guuldarada filimka waxay ku xiran tahay hadba sida fariintiisa loo soo dhaweeyo.

Haddaba waxaa jirto arin uu Sunny Deol dheeraa dhamaan atoorayaashiisii 90-maadkii awooda lahaa waana in bilaabashada fagta hore aflaanta lagu gaari karin Sunny waayo inta badan filimadiisa waxay ku furmi jireen nidaamka waalida ah Bumper Opening ama nidaamka heerka sare ah Excellent Opening waxaana qasab ahayd 10-kaas sano in Sunny fagta kowaad daawadayaasha ku qasbi jiray si waali ah inay tiyaatarka usoo aadaan weliba xiligaas fasax lama aqoonin ama ahmiyad lama siin jirin buun buuninta fasax qaran sida maanta loo buun buuniyo fasaxyada iyo feestooyinka ahmiyada loo siiyo.

Fadlan hoos kaga bogo aflaantii caanka ahaa ee 90-maadkii Sunny Deol hogaamiye ka ahaa kuwaas oo nidaamka waalida ah ama heerka sare ah ku furmeen fagta kowaad:

1. Ghaya (1990) : Bumper

2. Narshima (1991) : Bumper + Record Opener

3. Vishwatma (1992) : Excellent / Bumper

4. Kshatriya (1993) : Bumper + Record Opener

5. Darr (1993) : Bumper Opener

6. Insaniyat (1994) : Bumper + Record Opener

7. Jeet (1996) : Bumper Opener

8. Ghatak (1996) : Excellent

9. Border (1997) : Bumper + Record Opener

10. Ziddi (1997) : Excellent

11. Salaakhein (1998) : Excellent

12. Zor (1998) : Excellent

Kala saarida Sunny Deol aflaantiisii 90-maadkii Hindiya gil gileen:

6-filim nidaamka waalida ah Bumper Opening ku furmeen (xisaabta laguma darin Vishatma oo aan la hubin inuu Bumper ku furmay)

4-filim oo bilaabasho taariikhi ah sameeyeen waxa loo yaqaan record opening.

5-filim oo nidaamka heerka sare ama Excellent Opening la imaadeen.

Sunny Deol waa Megastar-kii ugu weynaa Hindiya 90-maadkii mana jiro atoore tiro intaas la eg aflaan ah heesto kuwaas oo Bumper iyo Excellant Opening isugu jiraan 10-kaas sano intii u dhaxeesay 1990 ilaa 1999.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here