Shabakada Box-office India (BOI) ayaa la filaayay inee sanadkaa qeybtiisa hore soo daabacdo maqaal ay kaga hadleyso 10-sano udambeysay (2010-2019) atiriishooyinka ugu awooda badnaayen Bollywoodka dhanka Star Power-ka waxaa macquul ah qeybaha dambe sanadkaan inee soo daabacaan.

Hadaba anagoo tixraac ka dhiganeyno BOI waxaan idiin la wadaageena seddexda atiriisho ugu awooda badnaayen inta udhaxeysay 2010-2019 waana hal Decade inkastoo BOI si rasmi ah usoo daabicin maqaalkan balse hormaris ahaan usii qaado markee keeydkoda soo geliyaana waan idiin la wadaagi doonaa.

1-Deepika Padukone: ka hadal maleh in Deepika kaalinta kowaad ku dhameesan doonto 10-sano lasoo dhaafay atiriishooyinka ugu awooda badnaayen dhanka Star Power-ka iyo awoda atiriisho filim lagu iibiyo, Deepika 4-sano xariir ah ugu yaraan kaalinta kowaad ayee kaga jirtay dhibcaha Star Power-ka 4-sano kala duwana kaalinta labaad ayee kujirtay halka labada sano soo hartayna kaalina seddexaad kujiray xiligee hogaanka heysay waa inta udhaxeysay 2014-2017.

2-Katrina Kaif: xidigtaan dhanka guulaha looma dhowaan karo iyada ayaa ugu guulo badan sido kale dhanka Star Power-ka kaalinta labaad ayee soo geli doontaa iyadaana ugu cad cad inkastoo Kareena Kapoor iyadana loolan adag gashay balse waa laga dhibco badnaan doonaa aan aragno BOI hadii Katrina booska labaad geeyn doonaan ama seddexaad ka tuuri doonaan balse iyada ayaa ugu cad-cad inee kaalinta labaad galeyso.

3-Kareena Kapoor: xidigtaan 10-sano mashquulo ayaa qabsadeen balse sedddexda atiriisho ugu awooda badan inee kamid noqon doonto waa mid loo badinaayo in badan inkastoo awoodeeda ugu sareysay 2011 meelahaas ahed iyo xiligee hogaanka fanka hindiya heysay BOI dhibcaha rasmiga ah ee Kareena markee shaaca ka qaadaan waxaa macquul ah inee labaad gasho amaba afaraad laga tuuro oo xitaa seddexaad gelin balse hader sida ugu macquulsan waa inee seddexaad galeyso.

Waa muhiim in la xuso Alia Bhatt waayo 2017 iyo wixii ka dambeeya ilaa hada waa atiriishada ugu awooda badan fanka hindiya kaalinta kowaad ayeena kujirtaa waa macquul in Alia Bhatt soo gasho seddexda atiriisho tobankaan sano ugu awooda badnaayen Bollywood balse aflaam Big Hits ah marka ladhaho meel cidlo ayaa looga tagaa xidigtan waayo seddexda atiriisho sare ayaa kaga fiican dhankaas.

Alia Bhatt hadii ay kamid noqon weyso Top 3 waa hubaal inee booska afaraad galeyso waxaan sugnaaba waa shabakada BOI iyo xogta rasmiga ah xiliga ay soo daabacaan intaas waa hordhac anagoo tixraac ka dhiganay hab-qaabeedka BOI.

Mahadsanidiin.

2 COMMENTS

  1. Kareena,Katrina, deepika horay usoo shaqeesteen cidna kama xigto 3da kaalin lkn alia 2017-2019 ah sidee kareena loo lameeldhigay ama la isla tartan siinaya karan johar Bollywoodkii wuu qasay wllhi nepotism

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here