Maqaal: Wacdaraha filimka War soo wado shabakada BOI wey ka aamusi weesay 30 Crore ayuu ka talaabaa tikit ka hormariska loo iibinaayo!

0
1790

Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda War ayaa hubanti ahaan noqonaayo filimka lacagaha ugu badan laga helo tikit ka hormariska loo iibsanaayo ayadoo ilaa iminka 25 Crore ka badan laga helay.

Filimada Bollywood ka ee dhawaanahan lacagaha ugu badan laga helay dhanka tikitka hormariska loo iibiyo sida Thugs of Hindostan, Tiger Zinda Hai iyo Sultan waxaa dhaafayo War oo hubanti ahaan 30 Crore laga helaayo madaama berito oo Talaado ah usii harsan tahay in tikitkiisa lasii iibsado waayo Arbacada ayaa tiyaatarada la saaraa.

War waxaa hogaamiyaal ka ah Hrithik iyo Tiger oo sida saxda ahayd loo soo diyaariyay muuqaaladooda waxayna qabtaa shabakada BOI filimkaan fagto hore wacdaro weyn inuu dhigi doono hadii fariintiisa wacnaatana wax walbo laga filan karo oo iskooro ah.

Waxaa jiraan caqabado filimka War u diidayaan maalinta kowaad inuu bilaabasho taariikhi ah sameeyo:

Caqabadaha waa sedex dhinac midda kowaad filimka Telugu ah Syeraa Narasimha Reddy ee Chiranjeevi hogaamiye ka yahay ayaa dhanka Koonfur ka qabsan doono, midda labaad waxay tahay gobolka West Bengal ee muhiimka ah isna filimo reer Bengal leeyihiin ayaa tiyaatarada ugu badan la siiyay.

Caqabada sedexaad waxay tahay filimka Hollywood ka ah Joker ayaa tiyaatarada Mumbai, Delhi iyo Pune la qeebsan doono filimka War.

Kuwaas waa caqabado maangal ah balse meesha lagama saari karo in filimka War maalintiisa kowaad bilaabasho taariikhi ah la imaado madaama Arbacada fasax qaran jiro sidoo kalena tiyaatarada ugu badan la saari doono.

Gunaanadka waxaa fiicnaan lahayd War kaligiis in Hindiya la saaro si maalin taariikhi ah aan u aragno waayo aflaanta waa weyn inta badan maalin firaaqo ah oo cidna tiyaatarada ku heesanin ayaa la saaraa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here