Maqaal xiiso leh; Mega Star Shahrukh Khan iyo filimada u guuleysteenee Hit dhameystiran noqdeen.

0
617

Shahrukh Khan waa boqorka Bollywoodka waana mid kamid ah jilayaasha maqaamka ugu sareeyo ka gaaray fanka India asigoona la yimid filimaan waaweyn sidoo kalana abaal marino badan uu ku qaatay.

Hadaba maqaalkeena maanta waxaan kusoo qaadan doonaa jilaagaan filimada u guuleysteen gaar ahaan kuwa Hitka dhameystiran noqdeen (Hit, Super Hit, Blockbuster iyo All Time Blockbuster).

Maqaalkaan wuxuu hordhac u yahay maqaal xiiso badan oo aan aktarada Bollywoodka ka diyaarin doono iyo natiijada filimadooda gaareen waxaana soo qaadan doonaa kuwa ay xogtooda sida rasmiga usoo daabacday shabakada BOI ee 1994tii wixii ka dambeeyay.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimada Hitka dhameystiran u noqdeen Mega Star Shahrukh Khan;

All Time Blockbuster; Dilwale Dulhania Le Jayenge, Kuch Kuch Hota Hai.

Blockbuster; Darr, Karan Arjun, Dil to Pagal Hai, Mohabbatein, Kabhi Kushi Kabhie Cham, Om Shanti Om, Rab Ne Bana Di Jodi, Chennai Experss.

Super Hit; Pardes, Veer Zaara, Chak De India, Happy New Year.

Hit; Ram Jaane, Yes Boss, Devdas, Chalte Chalte, Kal Ho Naa Ho, Main Hoon Na, Don – The Chase Begins Again, My Name is Khan, Ra.One, Don 2, Jab Tak Hai Jaan.

Guud ahaan Shahrukh Khan wuxuu la yimid 58 filim waxaana xog rasmi laga soo gudbiyay 55 filim waxaana meesha ka maqan filimadii la daawaday 1993dii iyo 1992dii oo ah 3 filim waxayna kala yihiin Baazigar, King Uncle iyo Dil Aashna Hai.

Shahrukh Khan waxaa Hit dhameystiran u noqdeen 25 filim waa hadii filimada xogtooda BOI soo daabacday laga hadlo waxayna kala yihiin 2 filim ATBB ah 8 filim BB ah 4 filim oo Super Hit ah iyo 11 filim oo Hit ah.

Warbixinteena xigta waxaan kaga hadli doonaa filimada u guuleystay Shahrukh Khan balse Hit dhameystiran noqonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here