Shah Rukh Khan, Salma Khan, Aamir Khan, Ajay Devgn iyo Akshay Kumar waa 5-Superstar oo 25-sano ugu dambeesay fanka Hindiya awood ku lahaa welina calankooda taagan yahay awoodna u leh inay aflaanta daawadayaasha ka gadaan waxaana xusid mudan mudada ay awooda leeyihiin in atoorayaal badan loolanka isaga hareen.

Balse 5-Superstar marka ay noqoto dhexdooda inay is xujeestaan SRK ayaa xujo adag dul dhigay afarta kale weyna kasoo bixi waayeen mana sameyn karaan madaama iskoorkan King Khan kaliya gaar u yahay.

Haddaba arinka aan ka hadleyno waxay tahay 5-Superstar sanadaha ay ku qaadatay inay ku sameeyaan 15-filim oo HIT dhameestiran ah. Waxaana xusid mudan in SRK ay ku qaadatay 1-sano inuu ku sameeyo 15-filim oo HIT dhameestiran ah halka kuwo kalena mudadaas ka badan ku qaadatay.

Aamir Khan waxay ku qaadatay 25-sano inuu ku sameeyo 15-kiisa filim ugu horeeyaan ee HIT dhameestiran noqdaan laga soo bilaabo Qayamat Se Qayamat Tak (1988) ilaa Dhoom 3 (2013).

Ajay Devgn waxay ku qaadatay 19-sano inuu ku sameeyo 15-kiisa filim ugu horeeyaan ee HIT dhameestiran noqdaan laga soo bilaabo Phool Aur Kaante (1991) ilaa Rajneeti (2010).

Salman Khan waxay ku qaadatay 15-sano inuu ku sameeyo 15-kiisa filim ugu horeeyaan ee HIT dhameestiran noqdaan laga soo bilaabo Main Pyaar (1989) ilaa Mujse Shaadi Karoge (2004).

Akshay Kumar waxay ku qaadatay 15-sano inuu ku sameeyo 15-kiisa filim ugu horeeyaan ee HIT dhameestiran noqdaan laga soo bilaabo Khiladi (1992) ilaa Bhool Bhulaiyaa (2007).

Shah Rukh Khan waxay ku qaadatay 11-sano inuu ku sameeyo 15-kiisa filim ugu horeeyaan ee HIT dhameestiran noqdaan laga soo bilaabo Deewana (1992) ilaa Kal Ho Na Ho (2003).

F.G: warbixintan kama dhigno in 5-superstar sameeyeen min 15-filim HIT dhameestiran ah ee waxaa laga wadaa 15-kooda filim ugu horeeyeen ee HIT noqdeen inta sano ay ku qaadatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here