18-sano ayaa kasoo wareegatay daawashada filimka aan wada jecelnahay Hum Tumhare Hain Sanam oo la daawaday 24-kii May 2002 wuxuuna noqday filim guuleestay oo Average ah asigoo waqtigii kasoo daahay haddana guushiisa waxaa sabab u ahaayeen sedexda Superstar filimkan la isugu keenay Madhuri Dixit, Shah Rukh Khan & Salman Khan.

Balse filimkan marxalado adag ayuu soo maray waxaana lagu dhawaaqay sameyntiisa dhamaadkii 1994 ayadoo hogaamiyaal markaas looga dhigay Sunny Deol, Aamir Khan iyo Madhuri Dixit sheeko ahaana waxaa laga soo min guuriyay filimka Tamil-ka ah Thotta Chinungi waxaana Director ka ahaa K. S. Adhiyaman.

Mashruucan wuxuu noqday fadhiid sidaa darteed Sunny Deol iyo Aamir Khan wey isaga baxeen waxaana kusoo hartay Madhuri balse xidigtan ma aysan niyad jebin waxay soo saarayaasha mashruucan u sheegtay in howsha la bilaabo sidoo kalena Sunny lagu badalo Salman Khan halka Aamir isagana booskiisa SRK lagu soo daro filimkan waxaana cajiib noqotay in Salman iyo SRK codsigii Madhuri aqbaleen madaama ay xushmad balaaran u hayeen kadibna filimkan shaqadiisa bilaabatay sanadii 1995.

Laakiin Hum Tumhare Hain Sanam caqab kale ayaa qabsatay oo ah kooxda filimkan iska leh dhaqaale xumo soo wajahday wuxuuna mashruucan noqday mid meel la iska dhigay mudo 5-sano ah la iskuma soo hadal qaadin waxay Madhuri yeelatay reer oo sanadii 1999 ayay aqal gashay dhankaas iyo Mareekankana wey iska degtay.

Sanadii 2000 ayaa mashruucan dib loo soo nooleeyay oo soo saare K.C. Bokadia dhaqaale uu flimkan ku dhameestiro helay kadib Madhuri waxay kusoo laabatay gudaha Hindiya waxayna SRK iyo Salman markale ka codsatay inay filimkan la dhameestiran weyna ka aqbaleen inkastoo markii hore labadan Superstar qabeen walaac ah filim 5-sano meel iska yiilay xitaa haddii la dhameestiro inuusan daawadayaasha ka gadmeyn.

Waxaa dhacday in ugu dambeyntii Hum Tumhare Hain Sanam la dhameestiro tiyaataradana la saaro 24-kii May 2002 si lama filaan ah ayuu filimkan gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka kaga guuleestay macaash fiicana looga helay halka heesihiisana ay Classic noqdeen weliba wuxuu noqday filimka 5-aad ee Album-kiisa loogu iibsashada badnaa sanadii 2002 waxaana laga sameeyay 1-milyan iyo 600,000 oo Copy album-ka heesaha filimkan.

Sidaa darteed guusha uu gaaray filimka Hum Tumhare Hain Sanam iyo in la dhameestiro oo masraxa la saaro waxaa u sabab ahayd Madhuri Dixit ee mashruucan wuxuu noqon lahaa mid aan waligiis masraxa la saarin oo meel la iska dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here