Kusoo dhawaada qaybta sedexaad maqaalkeena aan kaga hadleenay marka ay dhacday in isku dhac xoogan dhex maro qaar ka mid ah filim saameeyayaasha ugu caansan Bollywood-ka iyo atoorayaasha fanka Hindiya awooda ku leh aadna loo tixgaliyo:

Manoj Bajpai-Ram Gopal Varma: Waxaa lala yaabay in Manoj Bajpayee (Dooro Dooro) iyo Director Ram Gopal Varma inay isku dhaceen waayo atoorahan caanka ah waxaa soo caan bixiyay RGV oo filimkii Classic ahaa Satya (1998) u dhiibtay sidoo kalena abaal marin kala duwan ku qaatay. Waxayna isku qabteen kadib markii Manoj diiday fariin uu RGV usoo bandhigay inuu sameeyo asigoo lacag badan sheegtay taasina waxay sababtay in mudo ah ay kala aamusnaadaan iskaba dhaaf inay wada shaqeeyaan balse ugu dambeyntii RGV ayaa tanaasulay dibna ula heshiiyay Manoj waxayna sababtay inay dib iskula shaqeeyaan.

Nana Patekar-Prakash Jha: waa labo saaxiibo ah balse si sahlan isku qabteen ayagoo filimo badan sameeyeen laakiin inta ay socotay shaqadii filimka Rajneeti ruug cadaa Nana ayaa goobta isaga tagay kadib markii uu dareemay in Director Prakash Jha uu mudnaanta siinayo atoorayaasha kale filimkan ku jireen sida Ajay, Ranbir iyo Arjun Rampal.

Balse Ranbir Kapoor ayaa odey ka noqday labadooda iskuna keenay kadibna Nana waxaa raali gareeyay filim sameeye Prakash wuxuuna ka codsaday in duubista Rajneeti kusoo laabto wuuna kusoo laabtay kadibna wey heshiiyeen inkastoo Nana mudo labo todobaad ah filimkan ee sanadii 2010 Super Hit-ka noqday shaqadiisa isaga u xayirneyd.

Mallika Sherawat-Mahesh Bhatt: Atirishadan caanka ah reer Bhatt ayaa Bollywood-ka kusoo dareen filimkii Murder ayay xidig ku noqotay balse kadib waxay isku dhaceen filim sameeye Mahesh Bhatt madaama hab dhaqan aan wanaagsaneyn la timid markii filimka Gangester lala saxiixay balse mashruucan lacag badan ayay sheegatay sidoo kalena balamo kale oo lala galay dhanka shaqada ayay kasoo bixi weesay waana laga saaray filimka Gangester ayadoo lagu badalay Kangana Ranaut taasina waxay sababtay inaysan mudo wada shaqeynin iyada iyo Mahesh Bhatt oo ay xitaa wargesyada ka dhaliisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here