Kusoo dhawaada qaybta labaad maqaalkeena aan kaga hadleenay marka ay dhacday in isku dhac xoogan dhex maro qaar ka mid ah filim saameeyayaasha ugu caansan Bollywood-ka iyo atoorayaasha fanka Hindiya awooda ku leh aadna loo tixgaliyo:

Sanjay Dutt & Sanjay Gupta: Labo saaxiibo ah mudo dheer guul iyo guuldaro qeebsadeen waxay ku noqotay naxdin weyn markii ay isku dhaceen Gupta waxaa Bollywood-ka kusoo daray Dutt asigoo filimkiisii kowaad Aatish u dhiibtay kadib filimo badan ayay isla sameeyeen laakiin waxay isku dhaceen markii filim sameeye Sanjay Gupta ku eedeeyay Sanju inuu ka faa’iido badsaday madaama aflaanta isla qarash gareyn jireen taasina waxay sababtay in Dutt xiriirka u jaro saaxiibkiisa mudo ma aysan isla shaqeynin inkastoo haatan dib u heshiiyeen haddana wey adag tahay shaqo kale inay dib isugu imaadaan.

Aamir Khan & Anusha Rizvi & Amole Gupte: Aamir marka kowaad waxay isku dhaceen filim sameeye Amole Gupte oo u sameyn lahaa filimkii Taare Zameen Paar marka ay isku dhaceen wuuba ka saaray filimkan isaga ayaana Director ka noqday madaama uu soo saare ka ahaa halka Amole dacwad furay sidoo kalena uu sheegay marka uu sheekada si fiican u agaasimay mashruucan laga saaray.

Sidoo kale Aamir Khan wuxuu la dagaalay gabadha lagu magacaabo Anusha Rizvi oo Director ka ahayd filimka Peepli Live laakiin xumaan xoogan ayay Aamir u qaaday markii uu kusoo daray mashruucan uu soo saare ka ahaa Mahmood Farooqui oo qaybaha dambe agaasimay asigoo Anusha ka saaray halka gabadhan ku andacootay in fikradeeda si fasax la’aan ah Aamir ugu xad gudbay.

Sunny Deol & Rajkumar Santoshi: labadan guusha u saaxiibka ah sedex filim Big Hits ah ayay sameeyeen Ghayal (1990), Damini (1993) & Ghatak (1996) kadib wey isku dhaceen dagaalkoodana wuxuu gaaray heer ay hal filim oo isku sheeko ah sameeyaan waana filimkii Legend Of Bhagat Singh oo Santoshi u dhiibtay Ajay Devgn halka Sunny Deol isla sheekadaas uu isna maal galigay Shaheed 1923 hogaamiyana kaga dhigay walaalkiis Bobby Deol.

Haatana waxaa la sheegay in 23-sano kadib haatan dib u heshiiyeen sidoo kalena filim cusub oo Fateh Singh la dhaho bisha August sanadkan duubis ku bilaabayaan.

La Soco Qaybta Sedexaad Dagaaladan Dhex Mareen Atoorayaal Iyo Filim Sameeyayaal Caan Ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here