Mr. Prefectionst Aamir Khan waa mid kamid ah hogaamiyasha Bollywoodka sido kalena waa nin ay ugu yeeraan aabaha iskoor sameynta Bollywoodka.

Waxaa laga jooga mudo 29 sano ah kadib markii Super Star kaan riyadiisa u rumowday maadama uu 29 sano kahor sameyay filimkii Classis da noqay Qayamat Se Qayamat Tak kaaso ilaa maantadan la jecelyahay.

kadib markii la daawaday filimkaan Aamir Khan halmar ayuu magaciisa cirka galay dadko dhana wada jeclaadeyn waxaana xiligaas loogu yeeri jiray aabaha jaceylka gabdhaha oodhan asiga ayee ku waalnayen xidigaan.

Sikastee ahaataba xidigaan waxa jiro wareysi uu bixiyay kaaso uu ka qaaday ninka lagu magacaabo Karan Thapar waxaana la weydiyay suaasha ah ‘Majirtaa waagii dhalinyarnimada xili ad wax jeclaatay ama aad gabar si dhab ah u jeclaatay’?

Aamir ayaa ka jawaabay suaashan wuxuuna yiri sida tan,” Haa dabcan qofwalba ayee soo marta shekadan badana ana xiligii aan qaan gaarka ahaa ama aan wiil soobaxayo ahaa gabar ayaan jeclaaday.”

Balse maogtahay aniga inaan dabecad ahaan aan ahaa shaqsi jaceylkiisa aan shegan karin waayo waan xishood badnaa gabadhana jaceylkeyga inaan usheegto waan kari waayey cabsi aaan ka baqaayo aawged.”

“Sikastee ahaataba ugu dambeyn waxaan noqday mid waxa qalbigiisa kujira kahadlo oo waan u sheegtay jaceylkeyga gabadhaas ugu dambeyn waxaan ahaa shaqsi afar jeer wax jeclaado balse aan afar gabdho oo saaxiib la ah ee afar jeer kala duwan ayaan wax jeclaaday 4 jeerna kuma guulesan jaceylkeyga.”

Karan ayaa Aamir weydiiyay hadii ay jirto mid kamid ah diidmoyinkaas afarta aheyd inuu madaxiisa ku xiiray gabi ahaanba micnaha markee gabadh kamid ah kuwii diiday awged uu madaxiisa ku xiiray

Aamir Khan markii suaashan la weydiyay wuu dhoola cadeyay qosol yarna wuu qoslay wuxuuna ku jawabay asigoo hadlaayo,”maya sidaas dhan maba aha (wuu qoslaayey markuu sida lahaa) Karanow halke ka ogaatay arinkaan oodhan?, tinteyda ama madaxeyga uma xiirin diidmo ay idiiday gabadhaas….. waxaan ula jeeda waa run inaa jeclaaday ayadana ay iga aqbali weyday.”

Sababtoo ah igama aysan helin iyada sidaa awged waan yara xanaaqay waxaana goaansaday inaan tinta iska yareyso gabi ahaanba waayo tinteyda ayaa aad u badneyd ana waxaanab aaday sidaa tintaan u ciribtiri lahaa xiligaas.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here