Marka Ay Dhacday In Alia Bhatt Hooyaded Rasmiga Ah Neerfo Ku Noqoto Intii La Duubayey Filmka Raazi!!

Raazi waa film Big Hit noqday oo ay hogaamiye ka tahay Alia Bhatt waxyaabaha filmkaan laga diiwaan galiyay ayaa kamid ah in Alia Bhatt hooyaded rasmiga ah Soni Razdan ay hooyo filmkaan ugu jishay.

Bhatt oo ka hadleysa wada shaqeyntii dhex martay iyada iyo hooyaded waxay tiri,”waxaan hooyadey la shaqeyay mudo 8 maalmod ah oo aan waqti wacan wada qaadanay inta kale fursad fiican iskuma heli jirin aniga iyo iyada maadama an shaqo ku kala mashquulsanaan jirnay waana ka xumahay midaas.”

“Xaqiiq ahaan neerfosaati ayaan ku noqday hooyo maadama aan doorkeyga ama shaqadeyda ka badiyay anigo rabay iney doorkeda si wacan kaga baxsato balse markaan arkay shaqadeeda quruxda badan waxaanba ogaaday in ay iga qaab jiliin wanaagsantahay waxaan filaa wali in ay xasuusato doorkedi iyo hadaladii ay adeegsaneysay.”

“Dadka waxay dhahaan inaan aad ugu ekahay muqaal ahaan iyo hadal ahaanba hooyo waan ku faraxsanahay midaas aadban u jeclahay hooyadey.”