Shah Rukh Khan iyo Salman Khan waa labo Megastar oo fanka Hindiya maqaam sare ka gaareen madaama 20-ka sano ugu dambeesay labadan Bollywood-ka awood ku heesteen waayon SRK wuxuu ahaa hogaamiyaha Bollywood-ka intii u dhaxeesay 2000 ilaa 2009 halka Sallu isagana hogaamiyaha Bollywood-ka uu yahay haatan laga soo bilaabo 2010 ilaa 2020.

Qof walbo ayaa og in SRK iyo Salman Khan saaxiibo dhow yihiin laguna xasuusto shaqadoodii kowaad filimkii Karan Arjun ee Blockbuster-ka weyn noqday sanadii 1995 waxaana ku hoos duugan wada shaqeyntii kowaad labadan atoore sheeko xiiso badan oo banaanka lasoo dhigay waana arin qosol badan kuna aadan in SRK quuro badan yahay sidoo kalena inta ay socotay duubista filimka Karan Arjun Salman iyo walaalkiis Sohail Khan ka seexan waayeen.

Filimka Karan Arjun qaybo ka mid ah waxaa lagu duubay gobolka Rajasthan gaar ahaan deegaanka Chomu waxayna SRK iyo Salman isla dageen Hotel iska yar oo aan qarash badan ku baxeyn sidoo kalena waxaa goobta kusoo booqday Sohail Khan waxaana dhacday in habeeno badan hal qol isla wada seexan jireen sedexdooda waxaana la sheegay in SRK hurdo weynin qabo marka uu seexdana miir uusan laheyn asigoo si saa’id u quurinayo waxaana dhibsadeen Sallu iyo Sohail oo SRK barkimaha ku garaaci jireen ama sariirta kasoo ridi jireen marka uu soo kacana ku dhihi jireen “War quurada naga dhaaf oo si caadi ah u seexo.”

Sidoo kale SRK wuxuu sheegay in Salman Khan xiligaas ku qasbay inuu tababar joogto ah subax walbo sameeyo wixii markaas ka dambeeyana noloshiisa qayb ka dhigay inuu subax walbo aalmiinto u kalaho oo jirka dhisto.

Ugu dambeyntii xasuusta filimka Karan Arjun waxaa soo gaba gabeeyay Director Rakesh Roshan oo SRK iyo Salman u mahad celiyay madaama qarash badan u baajiyeen ayagoo dageen Hotel yar oo qiimo jaban halka markii hore uu ka cabsi qabay Hotel 5 Star oo qaali ah dagi doonaan labadan Superstar kadibna qarash waali ah lagu soo dalacan doono inta gobolka Rajasthan la joogay waqtigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here