Home » Nolosha Jilaayaasha » Marka ay dhacday Padman-ka dhabta ah inuu Akshay Kumar ku qalday Akshaye Khanna

Marka ay dhacday Padman-ka dhabta ah inuu Akshay Kumar ku qalday Akshaye Khanna

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska filimka Padman ee uu hogaamiye ka yahay Superstar Akshay Kumar lana daawan doono 26 Janaayo 2018.

Hadaba Padman waa filim ku saabsan nolosha ninkii bulshada Hindiya waxa weyn u qabtay Arunachalam Muruganantham kaasi oo tuuladiisa ka bilaabay kacdoon ku aadan sidii haweenka Hindiya ee miyiga ku nool u heli lahaayeen agab nadiif ah oo xirtaan xiliga dhiiga caadada ku jiraan.

Wuxuuna dhisay warshad soo saarto agab nadiif ah oo qiimo jaba lagu iibsado Hindiya oo dhan ayuuna magaciisa iyo ganacsigiisa ku baahay.

Hadaba Akshay Kumar xaaskiisa Twinkle Khanna oo filimka Padman soo saare ka ah ayaa saxaafada u sheegtay Padman-ka dhabta ah (Arunachalam Muruganantham) inuu Akshay Kumar ku qalday Akshaye Khanna.

Twinkle Khanna waxay tiri “Arunachalam Muruganantham waxaan la qaatay sedex sacadood sidii aan uga dhaadhacsiin lahaa in noloshiisa aan filim ka sameyno”

“Wuxuuna ii sheegay inay jiraan dad badan oo doonayaan noloshiisa inay sheeko ka sameeyaan wuxuuna sheegay dadkaas inay ka mid yihiin Abhay Deol iyo Akshaye Khanna”

“Waxaan u sheegay in Akshaye Khanna ahayn qofka doonayo noloshiisa inuu filim ka sameeyo balse uu yahay Akshay Kumar kaasi oo ah seygeyga.”

“Anigana waa Twinkle Khanna qoftii fariimaha kaaga soo direesay xafiiska Akshay Kumar ee ma ahan Akshaye Khanna qofka doonayo inuu noloshaada filim ka sameeyo”

Padman oo ay Akshay Kumar la jilayaan Sonam Kapoor iyo Radhika Apte waxaa Director ka ah R Balki, fadlan goos gooska filimkaan mar labaad hoos ka daawo: