Home » Nolosha Jilaayaasha » Marka Ay Dhacday SRK Inuu Niyad Jabo Maadama Hooyadiisa Aqoonsan Weyday Inuu Wiilkeda Yahay!!

Marka Ay Dhacday SRK Inuu Niyad Jabo Maadama Hooyadiisa Aqoonsan Weyday Inuu Wiilkeda Yahay!!

Boqorka jaceylka Bollywoodka Shah Rukh Khan waa mid kamid ah xidigaha ugu caansan Bollywoodka iyo mid kamid ah halyeeyda abid lagu faani doono taariikh ahaan fanka Hindiya.

SRK wuxu soo maray marxalado kala duwan waxaana kamid ah in hooyadisa ay aqoonsan weyso in wiilkeda SRK yahay iyo inkale.

Waxaa jirtay markii uu SRK fanka kucusbaa inuu shaqada ka bilaaway dhanka Tv-yada wuxuunsa sameyn jiray taxano kala duwan oo ay dadka Tv-yada ka daawadaan.

Hadaba SRK filimkii ugu horeyaya ee taxano tv laga daawado ee uusameyo wuxuu aha Circus kaaso uu Director ka ahaa Aziz Mirza,

SRK oo ka shekeeynaayo arinkaan wuxuu yiri,” waxaan imid Mumbai waxaana sameyay Circus markaan qeyb kasameyay oo dhameyay duubista qeybtaas waxaan goaansaday inaan hooyadey tuso.”

“Aziz wuxuu ahaa qofka aan la kulmay xiligii aan shaqada fanka bilaawayey waana Director ka Circus sidaa awged waxaan usheegay inaan usocdo hooyadey oo aan rabo inaan tuso oo ay daawato qeybtii koowaad ee Circus kaaso ah muuqaal aan kasoo muuqdo kii ugu horeyay.”

“Balse hooyadey xiligaas aad ayee u xanuunsaned waxayna awoodi weysay inee aqoonsato ama igarato qofka aan ahay iskaba dhaaf shaqada aan qabtay ine aragtee.”

“Sidaa awged mudane Aziz ayaa hooyadey kuyiri, kani waa wiilkaada maalin maalmaha kamid ahna wuxuu noqon doona Super Star weyn oo laga dabo dhaco fankana heer sare ayuu ka gaari doonaa.”

“Xaqiiq ahaan sida uu Aziz sheegay wey dhacday balse waxaa iga maqan hooyadey oo maanta arki lahed heerka aan maanta gaaray iyo shalay heerka aan joogay.”

SRK hooyadiisa ayuu u xiisay maadama waa hore geeriyootay awoodi weysayna inee aragto wiilkeda oo film sameynaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *