Bollywood Bebo wareysiyadii au horey u bixisay marka dib loo tixeaaco arimo badan xiiso leh ay ka hadashay ayaa jiraan kuwaaso dadka hadii lala wadaago xiiso u qaadayaan waana sababta aan xusuusihii hore iyo wareysiyadii hore aan u baarno Filimside ahaan.

Sanadkii 2001 Kareena Kapoor Khan hadal weyn ayee ka dhawaajisay oo laga diiwaan galiyay balse kama aysan dhabeenin ileen calaf ayaa jiro oo Kareena go’aankeeda ka hor imaanayo.

Kareena Kapoor Khan

2001 waxay sharaxday Kareena in aysan xiiso u qabin la sheekeysiga iyo shukaansiga nimanka xaasla yaasha ah ama horey guur usoo mareen arinkaana waxay ku timid in iyada iyo Hrithik aad la isugu xaman jirey xiriir inuu ka dhaxeeyo markaasna HR xaasle ayuu ahaa.

Waxay tiri iyadoo iska diideyso xiriirka Hrithik iyo nin guur soo maray oodhan,”aniga iyo Hrithik saaxiib ayaa nahay shaashadana waan isugu baxeen lamaane ahaan dadka sidaas ayee nagu jeclaadeen balse taasi micnaheeda ma ahan inaan xiriir jaceyl naga dhaxeeyo.”

Kareena and Hrithik

“Guys idhageesta aniga Ragga xaaslayaasha ah ama horey guur usoo mareen wax wada sheekeysi ah nama dhexmaro oo xiriir ku saleysan marhore ayaana go’aansaday inaan albaabkeyga ka xirto Raggaas.”

Sanadkii 2007 markee Shahid xiriir wada lahaayen ayaa markale ka weydiiyay sababta Hrithik oo ahaa atoorihii ugu quruxda badnaa Bollywoodka xiligaa ay xiriirkiisa u diiday Shahid-na u raacday waxay tiri iyadoo dhibsaneysa suaashaas.

Kareena and Hrithik

“Aniga meeshaan shaqo ayaan u imid ee haasaawe uma imaanin ha noqdo Hrithik Roshan, Fardeen Khan ama Abhishek Bachchan waan la shaqeyna iimana kala soocna quruxdooda, magacooda iyo maqaamkooda dhamaan waa asaxaabteyda xushmad iyo shaqo naga wada dhaxeyso.”

Saif and Kareena

Kareena waxaa loo maleynaayey markee Shahid xiriir la yeelatay inee ka dhabeyneyso go’aankii ay ku dhawaaqday 2001 balse 2012 waxay guursatay Saif Ali Khan oo ah nin horey guur usoo maray waliba caruur u joogeen wax walbo calafka ayaa ka weyn Bebo dooqeda ma ahen nin guur soo maray inee nolosha la wadaagto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here