Halyeey Rishi Kapoor shalay inta uusan dhiman kahor waxaa laga soo duubay muuqaal xili uu isbitaalka kudhexjiray dadka qaar ayaana muuqaalkaas ku tilmaamay anshax-xumo iyo akhlaakh daro waayo qof sakaraadaayo oo naftii heyso ayaa muuqaal xatooyo laga duubay.

Qofka muuqaalka duubay wajigiisa laguma tusaayo waa xili Rishi neefta dhibeyso kaligiisna sariirta jiifo wax ehelkiisa ahna dhinaciisa ma joogaan dabcan qolka gargaarka deg dega ayuu kujiraa oo xaaladiisa ayaa culus markaas.

Qofka ayaa soo galaayo dhaqtar kalena meesha waa taagan yahay waxaa lagu tusaa Rishi oo sariirta jiifa misane neefsanaayo waana xili uu sakaraadka hayey dadka inuu iska hurdaayo ayee umaleynayeen xiligaas daqiiqado kadibna nafta ka baxday.

Qofka ayaa meesha orod oga baxaayo kadib markuu arkay Rishi oo dhaqaaqayo waxuuna ka baqay in la arko waana muuqaal xatooyo ah oo markii dambe Internet-ka lasoo galiyay dabcan reerkiisa raali kama ahan muuqaalkan waanse arki doonaa hadii ay talaabo sharci qofkaas ka qaadi doonaan.

Akhriste halkaan hoose ka daawo Rishi daqiiqadihii udambeyeen noloshiisa muuqaalka laga soo duubay ee xatooyada ah misane Internet-ka qabsaday:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here