Shah Rukh Khan iyo Amir Khan waxa ay saaxiibo yihiin ku dhawaad 30 sano waa labo aktar lagu tilmaamo kuwa ugu wanaagsan ee soo maray fanka bollywoodka maadama ay sameeyeen filimada ugu caansan dalka india

xitaa saaxiibtinimooda waxa ay gaartay inay xili walba ay isku casuumaan casho xiliyada ay firaaqada ay leeyihiin maadamaa labada qoys ay si weyn isku dhow yihiin

Amir Khan ayaa waxa uu shaaca ka qaaday  sheeko qosol badan ay ka dhacday guriga aktarka Shah Rukh Khan isagoo xiligaas ka mid ahaa dad marti fara badan kuwaaso lagu casuumay Shah Rukh Khan

Amir Khan oo arrintan ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “markii ay martida dhamaan ay wada yimaadayn waxa nagula yeeray inan wada casheeno waxaana naloo diyaariyay casho sharafeed oo aad u macaan waxana markaas ii timid xaaska Shah Rukh Khan ( Gauri Khan) anigaoo meel iska fadhiya waxa ayna igu tiri na keen aan wada casheeno aniga waxaan ku yiri hadda baahi ima hayso ee iska bax inyar.”

“ka dib ayay igu soo laabatay iyadoo igu mar labaad i weydiisay inan u baahanahay raashin aan cunno ka dib markaas waxa sheegay inan wado Tiffing (qaslad ama jeeg) kaaso aan ku sito raashin ii gaar ah markaas Gauri waxa ay ii kaxeeysay dhinaca dadka ay ku cunteenaayeen iyadoo igu tiri halkaan fariiso ee ku cashee ka dib anigoo cabsanaayo ayan furay jeegii.”

“waxaana dadka oo dhan ay la yaabayn tirada raashin aan sito maadama xiligaas aan isku cayilinaayay filimkayga Dangal ka dib waxaa ii yimid Shah Rukh Khan isagoo doonayay inuu ila cuno raashinka si uu iga jeediyo Indhaha dadka martida laakiin waxaan u sheegay raashinkayga inuu qiyaasan yahay kaaso aan kaligayga laygu tala-galay “

dhanka shaqada Amir Khan waxa uu isku diyaarinaya duubsita filimkiisa xiga kaaso lagu magacaabo Lal Singh Chaddha waxaana filimkan laga soo min guuriyay filimka hollywoodka ee Tom Hanks’ Forrest Gump waxaana la daawan  doona sanadka dambe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here