Markii ay dhacay in jilayaal Hollwood ah kasoo muuqdeen filimo Bollywood ah. Sawiro qeybtii 2aad.

0
2011

Waa arin buux ah in jilayaal Bollywood ay kasoo muuqdaan filimada Hollywoodka xili jilayaasha qaar ayba shirkadaas qeyb ka yihiin sidoo kalana filimadooda sameeyaan sida Priyanka Chopra, Irfan Khan Nasrudiin Shaah, Anil Kapoor iyo kuwa kale.

Hadaba maanta waxaan idiin heynaa markii ay dhacday in jilayaal Hollywood ah markooda kasoo muuqdeen filimo Bollywood ah balse intooda badan waxay ku leeyihiin muuqaan mart ah.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo qeybtii 2aad;

6-Bo Derek waa atariisho Hollywood ah taasoo barisamaadkii jirtay waxayna filimka Boom kala soo muuqatay Amitabh Bachchan.

7-Kylie Minogue waa atariisho Hollywood ah waxayna muuqaal marti kuleedahay filimka Blue kaasoo uu hogaamiye ka yahay Super Star Akshey Kumar.

8-Akon waa fanaan weyn misna caalami ah wuxuu muuqaal marti kuleeyahay filimka Ra.One oo uu hogaamiye kayahay King Of Bollywood Shahrukh Khan.

9-Snoop Dogg waa fanaan caan ah misna Hollwood ah wuxuu muuqaal marti kuleeyahay filimka hirgalay ee Singh is King kaasoo uu hogaamiye kayahay Akshey Kumar.

10-Gardon Liu waa jilaa Hollywood ah wuxuuna qeyb kayahay filimka Chandni Chowk To China asigoo waliba laadarka filimka ah waxaana filimkaan hogaamiye ka ah Akshey Kumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here