Markii ay dhacay in jilayaal Hollwood ah kasoo muuqdeen filimo Bollywood ah. sawiro

0
1023

Waa arin buux ah in jilayaal Bollywood ay kasoo muuqdaan filimada Hollywoodka xili jilayaasha qaar ayba shirkadaas qeyb ka yihiin sidoo kalana filimadooda sameeyaan sida Priyanka Chopra, Irfan Khan Nasrudiin Shaah, Anil Kapoor iyo kuwa kale.

Hadaba maanta waxaan idiin heynaa markii ay dhacday in jilayaal Hollywood ah markooda kasoo muuqdeen filimo Bollywood ah balse intooda badan waxay ku leeyihiin muuqaan mart ah.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo;

1-Will Smith waa jilaa Hollywood caan ah wuxuu kasoo muuqday misna muuqaal marti ku lahaa filimka Karan Johar iska leeyahay ee Student of Rhe Year 2.

2-Sylvester Stallone waa jilaa caan ah misna wada garaneyno wuxuuna kasoo muuqday oo uu muuqaal marti ku leeyahay filimka Kambakkth Ishq kaasoo uu hogaamiye ka yahay jilaaga Akshey Kumar.

3-Brandon Routh waa jilaa Hollywood ah waana jilaaga jilaayo filimka caanka ah ee SuperMan wuxuuna asna muuqaal marti ku leeyahay filimka Kambakkth Ishq ee uu hogaamiyaha kayahay Akshey Kumar.

4-Barbara Mori waa atariisho Hollywood ah misna u dhalatay wadanka Maxico ayadoona atariisho ka ah filimka Kites ee uu hogaamiyaha kayahay Hrithik Roshan.

5-Ben Kingsley waa jilaa caan ah misna Hollwyood ah wuxuuna qeyb ka jilaa filimka Teen Patti kaasoo uu Amitabh Bachchan hogaamiyaha kayahay.

la soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here