Markii hore Masar haatana Dubai atariishada taxanaha Game of Throne ee Nathalie Emmanuel oo wadamada bariga dhexe baashaal u joogto.

0
899

Atariishada Nathalie Emmanuel ayaa ku sugan magaalada Abu Dubai ahna caasimada wadanka isu taga imaaraadka carabta ayadoona halkaas dalxiis iyo baashaal ugu joogto.

Atariishadaan oo horay usoo martay wadanka masar ayadoona halkaas uga soo qeyb gashay bandhig faneed sidoo kalana boqasho kutagtay gooba xiisaha leh ee loo dalxiis tago kuwaasoo Masar ku yaalaan.

Atariishadaan oo sidoo kale wax ka jisho filimada Hollywoodka ayaa hollywoodka kusoo biirtay xili hore waliba 1990kii ayay filimkeedii ugu horeeyay jishay ayadoo 10 jir ah balse sanadkii 2002dii markii ay 22 jir noqotay ayay si rasmi ugu soo biirtay Hollywoodka waxayna tan iyo markaas kasoo muuqatay in kabadan 20 mashruuc kuwaasoo ugu caansanyihiin filimka Fast and Furious 7 iyo taxanaha Game of Throne.

Ma ahan markii ugu horeysay ay atarishadaan wadanka Imaaraadka carabta booqato 7 sano kahor xiligii ay socotay duubista Furious 7 ayay halkaas tagtay maadaama filimka qeybo kamid ah Dubai lagu jilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here