atariishada Katrina Kaif waa mid lagu yaqaano dar-darta maadaama fanka Bollywood-Ka waxaan ay kusoo gashay xawaare taaso maanta ka mid dhigtay shaqsiyaadka ugu awoodda badan bollywoodka sidoo kalena loogu jecel yahay

Katrina ayaa waxa ay filim jilista kusoo biirtay sanadkii 2003 iyadoo kusoo caan baxday filimka lagu magacaabo Boomi kaaso noqday filim si weyn u fashilma laakiin atariishadan markii ay ku xiratay ama ay la saaxiibtay aktarka Salman Khan waxa ay noqotay mid guulaheeda ay joogto ahaadaan sidoo kalena ay yeelato awood balaaran

waxaan markaas ka dib labadan lamaane si weyn loogu xamanaayay inay is-guursan doonan mustaqbalka laakiin waxaa midaas wadada u galay aktarka Ranbir Kapoor kaaso Salman ka dulqaaday atariishadan isagoona markii dambe kala harayn Katrina Kaif

kan dib muddo gaaban Salman Khan ayaa dhawaanahan isku dayay inuu dib u dhiso mar kale xariirka isaga Katrina Kaif isagoona dib kula midoobay taxanaha  Tiger qaybtiisa sadexaad iyo Bharat kaaso laga dheehan kara is-faham labadan aktar

laakiin waxaa midaas hadda beeniyay aktarka dhawaanahan qabsaday Bollywoodka ninka lagu magacaabo Vicky Kaushal kaaso bilaabay inuu shukaansado atariishadan sababtoo ah waxaa dhawaanahan badatay kulanka labadan jilaa kuwaaso isku raaca meel walba sida aroos dhawaan ka dhacay magaalada Mumbai kaaso lagu arkay iyagoo gacmaha is-haysta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here