Markii hore xaaskiisa baa 12 sano xabsi in garka loo galiyo dalbatay balse haatan sodogiisa baa kusoo biiray asoo 8 sano kale dalbaday.

1
1563

Jilaaga Turkiga ee caanka ah Necati Sasmaz ayaa kiis cusub dhexda kaga jiro kadib markii ay weerar kusoo qaadeen qoyska xaaskiisii hore ee Nagehan.

Necati Sasmaz oo caan ku ah magaca Polat Alemdar kaasoo ah doorkii sirdoon ee uu ku jilay taxanaha Togii Dhurwaayada ayaa waxaa loo heystay kiis xukunkiisa uu noqon karo 12 sano oo xabsi ah, kadib markii xaaskiisa kusoo eedeysay inuu maxkamada u adeegsaday codad ay Whatsuppka isku dhaafsadeen xiligii uu socday kiiskooda furiinka ee dhacay 2019kii.

Nagehan ayaa ku dooday in codadka uu adeegsaday aysan marnaba fasax u siinin sidaas owgeed ay dacwad asiga ka dhan ah gudbineyso.

Haatan sheekada waxaa kusoo biiray gabadhaan aabaheed oo ah Necati Sasmaz sodogiisa asigoona dhankiisa sheegay in qudhiisa hadalo ay Whatsuppka isku dhaafsadeen uu keenay maxkamada wuxuuna dalbanayaa 8 sano oo xabsi ah.

Tani ayaa waxay ka dhigantahay in Necati Sasmaz uu wajahayo 2 kiis oo wadarta xukunkooda tahay 20 sano xabsi ah, waxaana duulaan ku hayo qoyskii uu gabadhooda furay.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here