The Khalaas Girl Isha Koppikar wareysiga ay bixisay qeyb kamid ah waan idiin soo gudbinah iyo markii Bollywoodka ay kala kulantay is qaraabeysi iyo anshax xumo lagula kacay.

Hadana isla wareysigaas waxay shaaca kaga qaaday in Ram Gopal Varma ballan kaga baxay hada kahor xili Filimka Kaante ay atiriisho ka noqon laheed sido kalena Sanjay Dutt saaxiibtiisa ku jili lahed waxay tiri iyadoo shaacineysa warkaan.

“Kaante waan saxiixday balse kooxda Filimka waxay ii sheegen in Filimka sheekadiisa aad u dheeraatay doorkeygana meesha laga saarayo waxaana kujilaayey Filimkaas Sanjay Dutt saaxiibtiisa mana ogi sababta la iiga saaray Filimkaas ilaa hada adigu iska dheh uun la i qiyaanay.”

Taas bedelkeee Isha waxaa atiriisho looga dhigay Filimkii Ishq Samundar,”balse RGV waxuu atiriisho iiga dhigay Filimkiisa kale ee Ishq Samundar aniga waan iska ogolaaday sameeynta Filimkaas maadama aan horey abaal oga haayey muuqaalkii martida uu iga siiyay Filimkiisa Company.”

“Companay waa Filimka aan ku caan baxay hees qaas ah ayaa kulahaa waxuuna RGV iisheegay heeskan inee waddo ii furi doonto caana ku noqon doono waxayna ahed hees shidan markii la daawaday aniga waan naxay sababto ah dadka dhan wey ka heleen heeskaas mana fileyn in heeskeyga si dhaqsi ah looga heli doono.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here