Javed Jaffry waa jilaa aflaamta kaga soo muuqdo doorad kala duwan sida shactiroole, laadir iyo wixii lamid ah xidigaan ayaa dhowaan ka dhawaajiyay kana sheekeeyay Prank uu hada kahor ku sameeyay Superstar Anil Kapoor waana xiligii uu Anil awooda Bollywoodka gacantiisa kujirtay Superstar laga heybeystana uu ahaa sheekada sidan ayee udhacday.

Anil Kapoor waxuu duubayey Filimka Tezaab xiligaasna waxay isla shaqeynayeen Javed hadaba Javed iyo saaxiibadiis ayaa Prank udiyaariyeen Anil telefoonka ayuu kawacay sidaan wada ognahay ama qaarkeen ogyihiin Javed waxuu keeni karaa ama iska dhigi karaa cod walba oo jilaa caan ah leeyahay.

Waa hibo gaar ah uu jilaagan leeyahay cod walba ayuu keeni karaa xitaa kaada marka waxaa dhacday inuu ka qeyb galay barnaaminka The Kapil Sharma Show ee ay kasoo qeyb galeen isaga iyo xidigo kale sida Varun Dhawan, Jonny Lever, Sara Ali Khan iyo kuwa kale Javed oo hadlaayo waxuu yiri.

“Telefaanka ayaan kawacay Anil Kapoor anigoo codkii Shatrughan Sinha (Canjeex) isticmaalay markaasaan dhahay Anil haye waxaan maqlay inaad Tezaab duubeyso markaasu idhahay haa mudane duubista ayaan kujiraa markaasaan dhahay caawa fiidkii waa inaan kulanaa markaasu dhahay haye mudane amarkaada jiro kadib goobtii kulanka ayuu yimid xili aan anaga dhan ku qosolnay isagana markaasu na fahmay marka xiligeena sidaasa isku dhibi jirnay.”

Tezaab waxaa la daawaday 1988.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here