Markii Katrina Kaif La Weydiyay Qofka Ay Guursan Doonto Salman Khan Iyo Ranbir Kapoor!!

Sidaan wada ognahy Katrina Kaif waxay xiriir la sameesay xidigaha kala ah Salman Khan iyo Ranbir Kapoor xiriirkaso India iyo daafaha caalamka laga wada ogyahay.

Xidigtaan oo shalay u dabaal dageesay sanad guurada dhalashadeeda waxaa baraha bulshada kaga hambalyeyay wariyaha caanka ah ee Rajat Sharm a kaaos tv-yada caan ka ah.

Hada kahor ayuu wareysi la yeeshtay xidigtaan isla wareysigaas oo muuqaal ah ayuu baraha bulshada shalay soo dhigay xili uu sanad guurada dhalashadeeda ugu hambalyeenayey.

Waxuu wareysigiisa hada kahor kuweydiyay suaal adag oo si caqliyeesan ay kaga jawaabtay waxuu weydiyay in ay sheegto atooraha ay guursan doonto Salman Khan iyo Ranbir Kapoor midkood maadama labadaas atoorre ay xiriir la wadaagtay suxufigaan si kaftan ku dheehan ayuu suaasha u weydiyay.

Balse Katrina ayaa diiday inee labadaas atoore mid doorato waxayna ku jawaabtay,”Labadaba ma guursanaayo ee adiga ayaan ku guursanaa” ayadoo qosleesa aye sidaa ku jawaabtay xidigtaan..