Katrina Kaif waa atiriisho caan ah maqaam sarena fanka hindiya ka gaartay waqtigaan balse sanado kahor fadeexado waaweyn ayee dhexda ka gashay midaasna iyada kaliya uma gaar ah shaqsi walba oo caan ah ayee soomartay mar noloshiisa khaladaad uu sameeyo hadaba maqaalkan waxaan kaga hadleena 2-jeer Katrina reer Hindiya ay naceen una bixiyeen magaca “ma xishootada Bollywoodka.”

Waa 10 sano ilaa 8 sano kahor qiyaas ahaan 2-jeer Katrina ay khalad ka gashay dad iyada taageero u ah sido kalena waa xiliyadii ay Salman Khan xiriirka la lahed xiliyadaas ama xiririkooda dhamaadka kudhowaa.

Marka Kowaad:

Katrina iyo maamulaheeda ayaa isla jireen misane duulimaad ayee ahaayen intii diyaarada dusheeda la saarnaa Katrina waxay ahed qof aad u careysan misane shaqaalaha diyaarada ayee ku qeylineysay marna maamulaheeda howlo la xiriiren adeegga iyo waxay u baahned.

Kadib waxyar ayee istiri yara naso oo indhaheeda ayaa isgaleen si lama filaan ah waxaa u yimid wiil 10 jir ah oo iyada taageero u ahaa waxuu gacanta kuwata buug iyo qalin misane waxuu rabay inuu saxiix ka qaato atiriishada uu taageero markuu dul yimid ayuu kudhahay,”eedo Katrina.”

Katrina oo xanaaqsan misane wiilkii ku qeylineyso ayaa dhahday,”yaa awood kuusiiyay inaas eedo idhahdo ma ogid miyaa qofka ahay sideed ku awooday inaad ii timaado aaway wixii kudhalay waxaad tahay mid aan akhlaakh laheen” kadib deg deg waxaa ugu imaadeen shaqaalihii diyaarada oo wiilkii waalidkood ku wareejiyeen balse wiilkii ayaa ooyay isagoo ka niyad jabay kana naxay canaanta gabadhii uu taageeraha u ahaa.

Daqiiqad kadib nin garweyn oo ahaa wiilk aabihiis ayaa dhankii Katrina soo aaday balse waxaa qabteen shaqaalihii diyaarada iyo maamulahii Katrina balse isagoo la celcelinaayo misanw careysan ayuu yiri,”yaa awood kuusiiya inaad wiil yar ka cabsiiso awalba waxaad ahed naag shisheeye (reer London ah) oo boos shaqo ka heshay Bollywoodka.”

Katirna hal kalmad ma aysan dhihin markuu ninka sida ugu qeylinaayey. Marka Labaad: Mumbai ayee ka dhacday isla 2-todobaad kadib dhacdada hadaan ak sheekenay waxay joogtay meel xeeb ah oo ay kuyara nasaneysay waxaana ka joogtay gabar walaasheda ah oo reer London ah cabitaan qabow ayee meesha ku cabayeen waxaa u yimid wiil dhalinyaro ah misane Mobile watay taageero waali ahna u ahaa iyada dhowr jeer ayuu akteeda maray isagoi ka xishoonaayey inuu sawir Selfie ka dalbado.

Balse markii dambe toos ayuu ugu tagay waxuu usheegay inuu taageero weyn u yahay quruxdeeda ayuuna ammaanay kadibna sawir Selfie ayuu ka codsaday balse Katrina si naxariis daro ah oo cadowtinimk kudheehan ayee wiilkii u fiirisay sida la sheegay intee indho kulul ku eegtay ayee “maya” tiri ama ka diiday kadibna cabitaankii ayee meesha ku daadisay xanaaq aawgii walaashed ayeena meesha ka wadatay si deg deg ah.

Wiilkii siduu qalbiga oga jabay wajigiisa ayuu qofwalba ka dareemi karay mudo kadib dhacdadaas oo Bollywoodka ku faaftay waxaa wiilkii la kulmeen Varun Dhawan iyo Parineeti Chopra ii waqti dheer la qaateen jaceyl badana u muujiyeen iyagoo u muuqdeen kuwa ilaawsiinaya khaladkii Kaif.

Waa labada dhacdo ugu waaweyn waayahii Katrina Bollywoodka lagu eedeyo dhanka dad taageero u ah oo ay khaladkaa ka gashay qaab khaldana ula dhaqantay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here