Mega Star Salman Khan ilaa hada nolosha Kali ayuu ku yahay mana guursan sido kalena gabar uu xiriir la leeyahay oo lahubo majirto waqtigaan 54 sano ayuuna kusii dhow yahay.

Waxaan soo helnah wareysi hore oo Salman lala yeeshtay kaaso uu xidigaan ku shaaciyay in hada kahor Juhi Chawla aabahed ka doontay si uu gabadhiisa ugu guuriyo balse wuu u diiday waa arin cajiib ah taageerayaashiisa inta badan la soconin.

Salman Khan Once Asked Juhi Chawla Father To Let Her Marry Him

Waxuu kaloo sheegay in Juhi waliged iska ilaalin jirtay la shaqeynta Sallu oo waxuu yiri weyba necbaned inee filim ila sameyso sababtana ma uusan ogeyn xiligaa hadaba Salman ha inooga sheekeyo dhacdadan hoos ka akhriso.

“Juhi waxay ahed gabar wanaagsan soo jiidasho leh waan ka helay waxaa dhacday inaan aabahed weydiisto si uu gabadhiisa iigu ogolaado guurkeeda balse wuu ii diiday waliba wanaag kalama kulmin markaa booqday aqalkiisa.”

“Mida kale Juhi marnaba ma aysan jecleen inee ila shaqeyso mana aqaan sababta aabahed u diiday arooskan iyo sababta iyada isaga key ilaalin jirtay midna ma ogi waxaanse ogahay gabdhaha shirkadaan jiilkeyga ahaa inaan iyada ugu jeclaa oo aan ka helay.”

Throwback Video: Salman Khan Reveals He Asked Juhi Chawla's Father To Let Her Marry Him

Salman Khan iyo Juhi Chawla wali ma aysan sameynin Filim ay hogaamiyaal ka yihiin balse muuqaal marti ahaan ayee kaga soo muuqdeen aflaamtooda sida Juhinoo Andaz Apna Apna muuqaal marti ku laheed iyo Salman oo Deewana Mastana muuqaal marti kulahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here