Baba of Bollywood Sanjay Dutt waaggii uu dhalinyarada ahaa iyo waqtigaan isku mid ma aheen dhab ahaantii waqtigaan waa qof xishood badan sido kalena aan hadal badneen xitaa goobaha fagaaraha uma badneen sanadihii dambe balse bari samaadkii waxuu ahaa qof aan cabsaneenin, xishood ma celin jirin meel walbana shab ayuu dhihi jiray.

Jilaagan waxuu kusoo caan baxay Filimkii Rocky ee la daawaday sanadkii 1981 sido kalena guul weyn ayuu gaaray magac weyn ayuuna ku helay Dutt mashruucan balse Filimkaan intii howshiisa lagu guda jiray Sanju Baba ficil xun ayuu ku dhaqaaqi lahaa.

Atiriishada Filimkaan Tina Munim iyo Sanjay Dutt xiriir ayaa ka dhaxeeyay waqtigaas mudo kadibna isla sanadkaan Sanjay ayaa ka shakiyay iskusoo dhowaanshaha saaxiibtiis Tina iyo jilaaga caanka ah Rishi Kapoor maadama ay saaxiib ahaayen sido kalena wada shaqeyn ayaa ka dhaxeysay oo Filimkii Karz ayee wada sameyeen.

Balse Baba arinkaas kuma qancin waxuuna istusay in xiriir ka dhaxeeyo sidaa aawged saaxiibkiis Gulshan Grover ayuu la tashtay waxayna go’aansadeen inee guriga Rishi Kapoor aadan misane soo garaacaan.

Kahor inta aysan soo gaarin aqalka Rishi waxay la kulmeen Neetu Singh (oo markii dambe xaaska Rishi noqotay) markee aragtay dadkaan ine xumaan usocdaan ayee weydisay Dutt oo careysan ayaa arinka oodhana usheegay kadib Neetu ayaa Dutt ku qancisay in Rishi gabar aan iyada ahen xiriir la laheen.

Xitaa waxay u shaacisay in arooskooda goordhow dhici rabo shakigana uu iska dhaafo waxay kaloo u tilmaamtay in Tina iyo Rishi saaxiib kaliya yihiin wada shaqeyna ka dhaxeyso kadib ayuu qaboobay Dutt halkaas ayuuna ka noqday dhacdadan Rishi wuu ka sheekeyay sanadadii dambe sido kale buugiisa ayuu ku xusay.

Ugu dambeyn Tina iyo Sanjay wey kala hareen sabab la xiriirta isticmaalka daroogadiisa oo badneed xiligaas aawged.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here